Turkiga oo mowqif cad ka qaatay xaalada Afghanistan

Image
Erdogan ayaa sidoo kale wuxuu iclaamiyey masiirka howlgalka diblumaasiyadeed ee xukuumada Ankara ee Kabul.

ANKARA, Turkey - Safaaradda Turkiga ee Kabul ayaa dib ugu soo laabatay dhismeheedii magaalada waxayna Ankara sii wadeysaa joogitaankeeda diblomaasiyadeed ee Afgaanistaan, sida uu sheegay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

Wadamada NATO ayaa ka soo baxaya howlgalladoodii diblomaasiyadeed ee Afghanistan kadib guushii Taliban laba toddobaad ka hor. Turkigu wuxuu ka daadgureeyay Afghanistan dad rayid ah iyo ciidammo marka laga reebo "koox farsamo ah".

Wareysi uu siiyay warbaahinta Turkiga xilli uu ka soo laabanayey Montenegro Axaddii, ayuu Erdogan ku sheegay in safaaradda Turkiga ee Kabul ay u guurtay dhismeheeda magaalada ka dib markii ay ka shaqeyneysey garoonka diyaaradaha muddo laba toddobaad ah.

"Maalintii kale ayay ku noqdeen dhismaha safaaraddeenna oo ku taal badhtamaha magaalada waxayna halkan ka sii wadaan hawlahoodii," ayuu u sheegay telefishanka NTV.

Wuxuu ku daray: "Qorshahayagu hadda waa in aan sidan ku sii wadno joogitaankeenna diblomaasiyadeed. Waxaan si joogto ah u cusbooneysiineynaa qorshayaasheena iyadoo loo eegayo horumarka la xiriira xaaladda amniga".

Erodgan ayaa carabka ku adkeeyay in Turkiga uu soo dhaweynayo hadalada Taliban in ilaa iyo hadda ay yihiin “rajo wanaagsan” balse ay doonayaan inay arkaan ficilladooda.

In ka badan 100 qof ayaa ku dhimatay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee Khamiistii ka dhacay banaanka garoonka diyaaradaha ee Kabul, oo ay ku jiraan 13 ka tirsan askarta Mareykanka.

Digniinaha cusub ee weeraro kale ayaa carqaladeeyay dadaalladii daadguraynta ee ay dusha kala socdeen ciidamada Mareykanka. Biden wuxuu ka digay weerar kale oo lagu qaado diyaaradda xammuulka ah "ay tahay mid u badan tahay".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM