Turkiga oo si kulul uga jawaabay hadal ka soo yeeray Al-Asad

Image
SAWIR HORE

ANKARA, Turkiga - Wax u muuqda jawaab toos ah oo ku aadan hadalkii dhawaan kasoo yeeray Madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-Asad, Wasiirka Difaaca Turkiga Yasar Guler ayaa maanta sheegay in dalkiisa uusan qorsheyneynin inuu ka baxo Suuriya.

Bashaar Al-asad ayaa horay u sheegay in uusan la kulmi doonin madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ilaa ciidamada Turkiga ay ka baxaan dhulka Suuriya.

Isagoo ku nuuxnuuxsaday in Erdogan uu doonayo inuu sharciyeeyo gumeysiga uu dalkiisa ku wado. Waxa uu sidoo kale sheegay in kulanka ka dhaxeeyo labada dhinac uusan ku dhici karin shuruudo oo Erdogan dhigay.

Halka Wasiirka Difaaca Turkiga, Yasar Guler, uu ku sheegay wareysi uu siiyay kanaalka Turkiga "A Haber" in dalkiisa uu nabad la rabo Suuriya.

Guler waxa uu sheegay in Madaxweyne Erdogaan uu si daacad ah uga shaqaynayo sidii nabadaasi loo gaari lahaa, wuxuuna intaas ku daray:

"Ma ahan wax caqli-gal ah inaan ka baxno Suuriya anaga oo aan dammaanad qaadin amniga xuduudeena iyo dadkeena."

Waxa uu sidoo kale sheegay in tallaabada ugu muhiimsan ee nabad lagu gaari karo Suuriya ay tahay in dib u eegis lagu sameeyo dastuurka, shacabkana ay aqbalaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM