Turkiga oo tobanaan diyaarado drones ah ka iibinaya Imaaraadka

Image
Heshiiskan ayaa ku kacaya $2 bilyan, sidda ay sheegeen laba illo wareedyo oo xog-ogaal ah.

ANKARA, Turkey - Imaaraadka Carabta ayaa wadaxaajood ku saabsan sidii ay tobanaan diyaarado drones ah uga soo iibsan lahaa Turkiga, sida ay Middle East Eye u sheegeen laba qof oo xog-ogaal u ah wadahadalka.

Wadahadallada ayaa, sidda ku xusan warbixinta, waxay u dhexeeyaan shirkadda Baykar iyo shirkadaha dawladda ee ka tirsan wakaaladda iibka hubka ee Imaaraatka ee Tawazun.

Sidda ay sheegayaan illo wareedyada lagu soo xigtey warbixinta, ujeedada gorgortankan ayaa ah in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar TB2 ay Abu Dhabi hesho ilaa bishii March.

Diyaaradaha Drones-ka ee Bayraktar TB2 waxay leeyihiin taariikh la xaqiijiyay oo ka dhan ah cadawga ka soo horjeeda waxaana lagu tijaabiyey colaadaha Liibiya, Suuriya iyo Nagorno-Karabakh.

Laakiin looma isticmaalin ciidan leh awood dagaal elegtaroonig ah oo casri ah iyo nidaamka difaaca hawada ee casriga ah ilaa uu Ruushku galay Ukraine, halkaas oo ay geeyeen ciidamada Ukraine.

Ilaa hadda waxay si aad ah waxtar ugu muujiyeen dagaalka ay kula jiraan ciidamada Ruushka ee la geeyey gudaha dhulka Ukraine, iyo sidoo kale gudaha xudduudaha Ruushka.

Mid ka mid ah ilo-wareedyada ayaa sheegay in wada-xaajoodka diiradda lagu saarayay kala iibsashadda 120 TB2 Bayraktars. "Waxaa wehli doona xirmo rasaas ah, xarumaha taliska, kantaroolka, iyo tababaro. Si wada jir ah, waxa ay noqon kartaa heshiis gaaraya ilaa $2 bilyan oo doolar," ayuu yiri mid kamid ah illo wareedyadda.

Turkiga iyo Imaaraadka ayaa bilaabay inay dib u soo celiyaan xiriirkooda sanadkii la soo dhaafay, ka dib 10 sano oo colaado siyaasadeed iyo mid dad kale la isku adeegsanayo oo ka socdey Liibiya, Masar iyo Geeska Afrika.

Xiriirka ayaa waxaa sii xumeeyay eedeymo ah in Imaaraatka ay qorsheynayeen in ay afgambiyaan dowladda Turkiga gaar ahaan inqilaabkii dhicisoobay ee dhacay sanadkii 2016-kii, arrintaas oo Imaaraadku beenisay.

Cilaaqaadka cusub waxay si dhakhso ah u muujinayaan faa'iido badan. Waxa jira qorshayaal Imaaraadku ku maalgelinayo balaayiin doollar oo ay ku maalgalinayaan daryeelka caafimaadka Turkiga, tignoolajiyada maaliyadeed iyo kuwa bilowga ah.

Xukuumadda Abu Dhabi waxa kale oo ay Turkiga la saxeexatay heshiis lacag isdhaafsi ah oo dhan $5 bilyan horaantii sanadkan. Labada dal ayaa sidoo kale waxay bilaabeen wadahadalo ku saabsan heshiis ganacsi oo xor ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM