Turkiga oo u dhawaaqay danjirha u fadhiya Israa’iil

Image

ANKARA (GO) - Turkiga ayaa ku dhawaaqay inuu u yeerayo danjirihii u fadhiyay Israa’iil, ka dib weeraro xooggan ay toddobaadyadii u dambeeyay ku qaadeedn marinka Qasa, kuwaasoo kumanaan lagu dilay.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku tiri, “Marka la eego musiibada bini’aadantinimo ee Qasa ka taagan iyo sida ay ugu guul daraysatay Israa’iil inay aqbasho baaqyada xabbad-joojinta, waxaan go'aansanay in loo yeero safiirkeena Tel Aviv”

Horaantii Sabtidii, Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa ku dhawaaqay inuu jaray xiriirkii uu la lahaa Ra'iisal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu.

Warbaahinta Turkiga ayaa ka soo xigatay Erdogan isagoo leh, "Netanyahu hadda ma ahan qof aan la hadli karno."

Israa'iil ayaa horay ula baxday dhammaan dublamaasiyiinteeda Turkiga iyo dalalka kale ee gobolka iyada oo ku sababeysay arrimo amni.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM