Turkiga oo u dhawaaqay danjirha u fadhiya Israa’iil

Image

ANKARA (GO) - Turkiga ayaa ku dhawaaqay inuu u yeerayo danjirihii u fadhiyay Israa’iil, ka dib weeraro xooggan ay toddobaadyadii u dambeeyay ku qaadeedn marinka Qasa, kuwaasoo kumanaan lagu dilay.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku tiri, “Marka la eego musiibada bini’aadantinimo ee Qasa ka taagan iyo sida ay ugu guul daraysatay Israa’iil inay aqbasho baaqyada xabbad-joojinta, waxaan go'aansanay in loo yeero safiirkeena Tel Aviv”

Horaantii Sabtidii, Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa ku dhawaaqay inuu jaray xiriirkii uu la lahaa Ra'iisal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu.

Warbaahinta Turkiga ayaa ka soo xigatay Erdogan isagoo leh, "Netanyahu hadda ma ahan qof aan la hadli karno."

Israa'iil ayaa horay ula baxday dhammaan dublamaasiyiinteeda Turkiga iyo dalalka kale ee gobolka iyada oo ku sababeysay arrimo amni.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo beenisay inay wada-xaajood ka dalbatay Mareykanka xili xiisad dagaal jirto

Tani ayaa ku soo beegmaysa kadib markii Madaxweyne Donald Trump uu Talaadadii sheegay in “ciidan kale” uu ku sii socdo Iran.

  • Caalamka

    28-01-2026

  • 01:51PM

Spain oo Sharciyo siinaysa Nus Milyan Muhaajiriin Sharci-la’aan ah

Saiz waxay sheegtay in tallaabadan ay tahay mid lagama maarmaan u ah ka jawaabidda xaqiiqada ka jirta waddooyinka dalka.

  • Caalamka

    28-01-2026

  • 09:41AM