Twitterka oo joojiyey siyaasad lagu xakamaynayey wararka aan sugnayn

Image

Shirkadda Twitterka ayaa meesha ka saartay siyaasaddii lagu xakamaynayey wararka been abuurka ah ee la xidhiidha xanuunka COVID-19, taasoo haatan laga yaabo inay kor u qaado in shabakadda lagu wadaago wararka aan sugnayn ee ka dhanka ah xanuunka COVID-19, tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa iyada oo dalka Shiinaha iyo meelo kale oo caalamka ah laga soo sheegayo inay kor u kaceen tirada dadka laga helay xanuunka COVID-19.

Tallaabadan ayaa su’aal gelinaysa, habka uu maamulka cusub ee shirkadda Twitter ula macaamilayo la dagaalanka macluumaadka khaldan ee lagu wadaago shabakaddan isgaadhsiinta, maadaama maamulka cusub ee shirkadda iibsaday uu shaqada ka eryey kala badh shaqaalihii shirkadda.

"Laga bilaabo bishan November 23-keedii, shabakadda Twitter ma dhaqan gelinayso siyaasadda la xidhiidha macluumaadka marin habaabinta wata ee COVID-19," ayaa lagu sheegay qoraal ka so baxay maamulka shirkadda. Warkan ayaa markii ugu horraysya waxaa tebiyey telefiishanka CNN Salaasadii.

Illaa haatan xog badan lagama hayo tallaabooyinka xiga ee ay shirkaddu qaadayso, sidoo kalena codsiyo loo diray si wax looga weydiiyo arrintan ayaanay ka soo jawaabin.

Reuters

Related Articles

Turkiga oo taageeray amniga Sacuudiga xilli ay sii kordhayaan weerarrada Xuutiyiinta

Wuxuu sheegay in Sacuudiga laga yaabo inuu u baahdo taageero milatari, gaar ahaan dhinacyada farsamada.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 12:17PM

Xuutiyiinta Yemen oo sheegay inay weerareen goobo xasaasi ah oo ku yaalla Sacuudiga

Dagaalladii ayaa muddo hoos u dhacay, balse xaaladda ayaa mar kale si weyn u kacsatay toddobaadyadii lasoo dhaafay.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 06:30AM