Twitterka oo joojiyey siyaasad lagu xakamaynayey wararka aan sugnayn

Image

Shirkadda Twitterka ayaa meesha ka saartay siyaasaddii lagu xakamaynayey wararka been abuurka ah ee la xidhiidha xanuunka COVID-19, taasoo haatan laga yaabo inay kor u qaado in shabakadda lagu wadaago wararka aan sugnayn ee ka dhanka ah xanuunka COVID-19, tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa iyada oo dalka Shiinaha iyo meelo kale oo caalamka ah laga soo sheegayo inay kor u kaceen tirada dadka laga helay xanuunka COVID-19.

Tallaabadan ayaa su’aal gelinaysa, habka uu maamulka cusub ee shirkadda Twitter ula macaamilayo la dagaalanka macluumaadka khaldan ee lagu wadaago shabakaddan isgaadhsiinta, maadaama maamulka cusub ee shirkadda iibsaday uu shaqada ka eryey kala badh shaqaalihii shirkadda.

"Laga bilaabo bishan November 23-keedii, shabakadda Twitter ma dhaqan gelinayso siyaasadda la xidhiidha macluumaadka marin habaabinta wata ee COVID-19," ayaa lagu sheegay qoraal ka so baxay maamulka shirkadda. Warkan ayaa markii ugu horraysya waxaa tebiyey telefiishanka CNN Salaasadii.

Illaa haatan xog badan lagama hayo tallaabooyinka xiga ee ay shirkaddu qaadayso, sidoo kalena codsiyo loo diray si wax looga weydiiyo arrintan ayaanay ka soo jawaabin.

Reuters

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM