Britain oo cunaqabateyn saartey xeer-ilaaliyaha guud ee Iiraan

Image
Xukuumadda London ayaa talaabadan waxay uga banaanbaxaysaa toogashada muwaadin haysta dhalashada Ingiriiska.

LONDON, Britain - UK ayaa cunaqabateyn ku soo rogtay dacwad oogaha guud ee Iran Sabtidii, ka dib markii Tehran ay dil toogasho ah ku fulisay muwaadin haysta dhalashada labada dal.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Britain, James Cleverly, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Mohammad Jafar Montazeri uu yahay mid ka mid ah dadka ugu awoodda badan garsoorka Iran, isla markaana uu mas’uul ka yahay adeegsiga ciqaabta dilka.

Cleverly oo muujiyey in ay jiri karaan talaabooyin kale dheeraad ah ayaa waxa uu hoosta ka xarriiqay sida sannadkii hore Iran ay u kordhisay adeegsiga ciqaabta dilka.

"Xeer Ilaaliyaha Guud wuxuu xudun u yahay adeegsiga waxashnimada ah ee Iran ay u adeegsatay ciqaabta dilka ee dano siyaasadeed," ayuu yiri Cleverly.

Wuxuu raaciyey: "Cuna-qabatayn isaga maanta waxay hoosta ka xariiqday sida aan u necebnahay toogashada Alireza Akbari iyo sida ay nooga go'an tahay in aan kula xisaabtano taliska si uu ula xisaabtamo xadgudubyada xun ee xuquuqda aadanaha".

Xayiraada ayaa waxay ku soo rogtay xannibaad hantida Montazeri iyo in uu socdaal ku imaan karo boqortooyadda Ingiriiska oo gabi ahaanba meesha laga saarey.

Horaantii Sabtidii, Iran ayaa ku dhawaaqday in ay toogatay Akbari, oo ahaa wasiir ku xigeenkii hore ee gaashaandhigga, maalmo kadib markii lagu xukumay dil iyaddoo lagu eedeeyay inuu u basaasayay Britain.

Sida ay sheegtay Wakaalladda Wararka ee Mizan, Akbari ayaa lagu toogtay eedeymo la xiriira musuq-maasuq iyo “falal ballaaran oo ka dhan ah amniga gudaha iyo dibadda ee waddanka”.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirkadda AstraZeneca oo qirtay in talaalka Covid-19 uu keeni karo “xanuun cafimaad”

Talaalkan ayaa si weyn loogu qeybiyay gudaha Soomaaliya sanadkii 2021.

  • Caalamka

    02-05-2024

  • 07:41AM

Banaanbaxyo lagu taageerayo qaddiyada Falastiin oo gilgilay Mareykanka

Ugu yaraan 20 mudaaharaadayaal ah oo taageersan Falastiin ayaa xabsi loogu taxaabay isu-soo-baxyadan aawadeed.

  • Caalamka

    02-05-2024

  • 05:25AM