UK oo si horudhac ah u aqoonsanaysa dowladnimada Falastiin

Image
Tallaabadan ayaa la kulantey ammaan iyo dhaleeceyn, wallow qaar ka mid ah xildhibaannada UK ay ka soo horjeesteen.

LONDON, UK - Xoghayaha Arrimaha Dibadda dalka Ingriiska, David Cameron, ayaa sheegey in dalkiisu ka fiirsaneyso inay si hordhac ah u aqoonsato dowladnimada Falastiin. 

Inta uu ku  guda jiro booqashada afaraad uu ku tagi doono Bariga Dhexe, Cameron wuxuu tilmaamay in Falastiiniyiinta loo baahan yahay in la siiyo aragti siyaasadeed oo ku aaddan nabadda. 

Talaabadaan ayaa ah isbeddel weyn oo ku yimid siyaasadda arrimaha dibadda ee Britain, iyadoo la aqoonsiga rasmiga ah ee Falastiin laga sameyn doono UN-ka, taas oo ka duwan siyaasadihii hore. 

Tallaabadan ayaa la kulantey ammaan iyo dhaleeceyn, iyadoo qaar ka mid ah xildhibaannada UK ay ka soo horjeesteen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM