UK oo si horudhac ah u aqoonsanaysa dowladnimada Falastiin

Image
Tallaabadan ayaa la kulantey ammaan iyo dhaleeceyn, wallow qaar ka mid ah xildhibaannada UK ay ka soo horjeesteen.

LONDON, UK - Xoghayaha Arrimaha Dibadda dalka Ingriiska, David Cameron, ayaa sheegey in dalkiisu ka fiirsaneyso inay si hordhac ah u aqoonsato dowladnimada Falastiin. 

Inta uu ku  guda jiro booqashada afaraad uu ku tagi doono Bariga Dhexe, Cameron wuxuu tilmaamay in Falastiiniyiinta loo baahan yahay in la siiyo aragti siyaasadeed oo ku aaddan nabadda. 

Talaabadaan ayaa ah isbeddel weyn oo ku yimid siyaasadda arrimaha dibadda ee Britain, iyadoo la aqoonsiga rasmiga ah ee Falastiin laga sameyn doono UN-ka, taas oo ka duwan siyaasadihii hore. 

Tallaabadan ayaa la kulantey ammaan iyo dhaleeceyn, iyadoo qaar ka mid ah xildhibaannada UK ay ka soo horjeesteen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weerar lagu qaaday masaajid ku yaalla Pakistan oo dilay ugu yaraan 16 qof

Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa lagu dhuftay afaafka masaajid ku dhex yaalla…

  • Caalamka

    18-09-2026

  • 11:52AM

Mareykanka oo ansixiyey qorshe $24.3 bilyan oo diyaaradaha F-35 ah looga iibinayo Sacuudi Carabiya

Qorshaha hubka ayaa soo baxay iyadoo Xuutiyiintu si weyn u kordhiyeen…

  • Caalamka

    18-09-2026

  • 02:09AM