Ukraine oo dib u qabsatay dhammaan gobolka Kyiv

Image
Ruushka ayaa beeniyay inuu bartilmaameedsanayo dadka rayidka ah wuxuuna diiday eedeymaha dambiyada dagaalka.

KYIV, Ukraine – Wasaaradda difaaca ee Ukraine ayaa sheegtay in ciidamadeedu ay gobolka Kyiv kala wareegeen ciidamada Ruushka, iyadoo saraakiishu ay ka digeen in askarta baxaysa ay xaalad “masiibo ah” ku abuurayaan dadka rayidka ah iyagoo ka tagaya miinooyinka.

Ku dhawaaqistaan ayaa noqoneysa markii ugu horeysay oo Ukraine ay sheegato maamulka gobolka caasimadda tan iyo markii Ruushka uu bilaabay duulaankiisa 24-kii Febraayo.

"Gobolka Kyiv oo dhan waa laga xoreeyay kuwa soo duulay," wasiir ku xigeenka difaaca Ukraine, Hanna Malyar, ayaa ku soo qortay Facebook.

Ma jiro hadal ka soo baxay Ruushka oo ku saabsan sheegashada.

Guud ahaan, ciidamada Ukraine ayaa dib ula wareegay in ka badan 30 magaalo iyo tuulooyin ku xeeran Kyiv, sida ay sheegeen saraakiisha. Magaalooyinkii dib looga qabsaday ciidanka Ruushka ayaa waxaa ka muuqday nabarada dagaal oo socday muddo shan todobaad ah, waxaana la burburiyay gawaarida gaashaaman, agabka ciidamada iyo tobanaan meydad ah oo daadsan wadooyinka.

Magaalada Bucha, oo ku taal waqooyi-galbeed ee caasimadda, askarta Ukraine waxay adeegsadeen fiilooyinka si ay u soo saaraan meydadka dadka rayidka ah waddooyinka iyaga oo ka baqaya in ciidamada Ruushku ay uga tageen inay ku xayiran yihiin.

Duqa magaalada Bucha Anatoliy Fedoruk ayaa sheegay in mas’uuliyiinta dalkaasi ay xabaal wadareed ku aaseen 280 qof, wuxuuna sheegay in dadka la laayay ay ku jiraan haween iyo sidoo kale wiil 14 jir ah.

"Dhammaan dadkan waxaa lagu toogtay, dhabarka dambe iyo madaxa," ayuu yiri Fedoruk.

Goobjooge ku sugan Bucha, ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in ay aragtay ugu yaraan 20 mayd, oo uu ku jiro mid gacmihiisu ka xiran yihiin.

Baasaboor Yukreeniyaan ah oo furan ayaa dhinaciisa yaallay, halka laba qof oo kalena ay maro cad kaga xirnayd gacmaha sare.

AFP waxay sheegtay in dhamaantood ay xirnaayeen dhar rayid ah - jaakadaha qaboowga, suud, surweelo Jeemis ah ama dharka orodka iyo kabo.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain Liz Truss ayaa sheegtay in ay aad uga naxsan tahay gabood-fallada ka dhacay magaalada Bucha, waxayna ka dhawaajisay in ay taageersan tahay baaritaanka maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ee ku aaddan dembiyada dagaal ee ka dhici kara Ukraine.

Ruushka ayaa beeniyay inuu bartilmaameedsanayo dadka rayidka ah wuxuuna diiday eedeymaha dambiyada dagaalka.

Tan iyo markii uu Ruushku ciidamo u diray Ukraine waxa ay ugu yeertay “hawlgal gaar ah” oo lagu doonayo in looga saaro deriskooda, Ruushku waxa uu ku guul daraystay in uu qabsado hal magaalo oo weyn, taas beddelkeedana waxa uu go’doomiyay magaalooyinka, isaga oo xididdada u siibay rubuc ka mid ah dadka Ukraine.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Yahuuda oo duqeyn cusub ku laysay tobanaan qof Falastiini ah

Xiisad ayaa ka taagneyd guud ahaan dhulka la heysto ee Daanta Galbeed tan iyo markii Israa’iil ay billowday duullaan.

  • Caalamka

    18-05-2024

  • 03:26AM

Ra'iisul Wasaaraha Slovakia oo lala beegsaday isku-day khaarijin ah

Robert Fico oo xukunka kusoo laabtey sanadkii hore ayaa u jaranjeera dhanka Ruushka.

  • Caalamka

    16-05-2024

  • 03:40AM