Ukraine oo duqeymo ka geysatay magaalada Moscow, Ruushka

Image

MOSCOW - Duqa caasimadda Ruushka Moscow, Sergey Sobyanin, ayaa ku dhawaaqay subaxnimadii hore ee Axadda in ciidamada difaaca Ruushka ay iska caabiyeen diyaarad aan duuliye lahayn oo isku dayday in ay weerarto Moscow.

"Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine ayaa habeenkii weeraray caasimadda Ruushka," ayuu yiri Sobyanin. Waxa uu intaa ku daray in Wajiyada labada Taawar ee ku yaalla Magaalada ay soo gaaray burbur yar.

Dhankeeda, Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in la fashiliyay weerar argagixiso ay Kiev beegsadeen bartilmaameedyo ku yaalla magaalada Moscow.”

Bayaanka ayaa lagu xaqiijiyay burburinta diyaarad aan duuliye lahayn oo Yukreeniyaan ah taas oo ka hor tagay nidaamka difaaca hawada ee dhulka ee magaalada Moscow.

Ilo-wareed ka tirsan Wasaaradda Difaaca ee dalka Ukraine ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee AFP in weerarkaasi oo lala beegsaday magaaladda Moscow, uu ahaa Hawlgal gaar ah oo ay fulisay Ukraine.

Sidoo kale, Afhayeen u hadashay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka, Maria Zakharova, ayaa ku tilmaantay isku daygii xukuumadda Kiev ee ahaa in ay weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku qaaddo bartilmaameedyo ku yaalla Moscow, “fal argagixiso oo heer caalami ah”.

Hal qof ayaa ku dhaawacmay duqeymaha, iyadoo ay ku xirmeen illaa 4 Garoon diyaaradeed oo ku dhaw magaaladda Moscow.

Waxay ahayd isku daygii afraad ee shaqo joojin lagu sameeyo gobolka caasimadda bishan iyo kii saddexaad ee toddobaadkan, taasoo sii hurinaysa walaaca laga qabo u nuglaanshaha Moscow ee weerarrada iyadoo dagaalka Ruushka ee Ukraine uu sii socdo bishii 18-aad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM