Ukraine oo "guul naadir ah" ka sheegatay duulaanka Ruushka

Image
Moscow ayaa illaa hadda ma qirin ama ma dafirin jiritaanka sheegashada warbixinta Kyiv.

MOSCOW, Russia - Wasaaradda Difaaca Ukraine ayaa maanta soo bandhigtay xog ay ku sheegtay inay khasaare baaxad leh gaarsiisayay ciidamada Ruushka ee ku soo duulay dalkeeda, waxaana ay ku shaacisay barteeda Twitter-ka inay dileen qiyaastii 17,500 oo ka tirsan ciidamada Ruushka.
 
Ciidamada Ukraine ayaa sidoo kale sheegtay inay burburiyeen 135 diyaaradood oo laga leeyahay Ruushka, 131 helikobter ah, 614 taangiyo ah, 1,735 baabuurta gaashaaman, 83 diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, 75 booyadood oo shidaal ah, iyo 7 doomaha dagaalka.
 
Sida uu sheegay taliska guud ee Ukraine, ugu yaraan 96 gantaallada riddada dheer iyo 54 hab ee difaaca hawada ayaa ka mid ah waxyaalaha laga burburiyay Ruushka.

Moscow ayaa illaa hadda ma qirin ama ma dafirin jiritaanka sheegashada warbixinta Ukraine. Dhinaca kale, Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in difaaca dalkiisa ee ka dhanka ah duullaanka Ruushka uu marayo ‘meel xaasaasi ah’ wuxuuna mar kale ka codsaday Mareykanka inay siiyaan kaalmo milatari oo  dheeri ah.

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya saacado kadib markii ciidamada Ruushka ay ka laabteen ballanqaad ahaa inay yareynayaan howlgalladda milatari ee agagaarka Kyiv iyo Chernihiv, sida ay qortay wakaaladda wararka ee AP.

Duqeymaha uu Ruushku ku hayo deegaannada ku xeeran magaalooyinka Kyiv iyo waqooyiga magaalada Chernihiv iyo weerarada sii xoogeysanaya ayaa sii wiiqay rajadii laga qabay in horumar laga gaaro soo afjaridda colaadda dhiiga badani ku daatay ee hadda isu rogtay dagaal fool ka fool ah.

Sida uu sheegay madaxa wafdiga Ukraine, David Arakhamia, wadahadallada u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine ayaa lagu wadaa in ay dib u bilawdaan maalinta Jimcaha ah asagoo u qabsoomi doona habka fogaan araga ah.

Wafdi xildhibaanno ah oo ka socda Ukraine ayaa Arbacadii gaaray magaalada Washington si ay cadaadis ugu saaraan Mareykanka in uu siiyo kaalmo dheeri ah, iyagoo sheegay in dalkoodu u baahan yahay agab militari, kaalmo dhaqaale  iyo cunaqabateyn adag oo ka dhan ah Ruushka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Yahuuda oo duqeyn cusub ku laysay tobanaan qof Falastiini ah

Xiisad ayaa ka taagneyd guud ahaan dhulka la heysto ee Daanta Galbeed tan iyo markii Israa’iil ay billowday duullaan.

  • Caalamka

    18-05-2024

  • 03:26AM

Ra'iisul Wasaaraha Slovakia oo lala beegsaday isku-day khaarijin ah

Robert Fico oo xukunka kusoo laabtey sanadkii hore ayaa u jaranjeera dhanka Ruushka.

  • Caalamka

    16-05-2024

  • 03:40AM