Ukraine oo in ka badan 144 drone is-qarxin ah ku weerartay Ruushka

Image
Inta la xaqiijiyay hal qof oo lagu sheegay haweeney ayaa ku naf-waayay weerarkan.

MOSCOW, Russia - Haweeney ayaa lagu dilay meel u dhow magaalada Moscow kadib markii hadhaagii diyaaradii la soo riday ee Drone-ka laga leeyahay dalka Ukraine ay ku dhacday dabaqii ay daganeyd oo ay dab qabadsiisay, sida ay sheegeen saraakiisha Ruushka.

Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in difaacooda cirka ay soo rideen 144 diyaaradood oo laga leeyahay Ukraine habeen hore, iyadoo 20 kaligood ay dulmarayeen gobolka Moscow.

Badhasaabka gobolka Moscow Andrei Vorobyov ayaa sheegay in burburka diyaaradda Drone-ka ay waxyeello u geysatay ugu yaraan laba dabaq oo dhaadheer oo ku yaalla degmada Ramenskoye saacadihii hore ee Salaasadii, halkaas oo ay dab qabadsiiyeen dhowr guri.

In ka badan laba sano iyo bar tan iyo markii Moscow ay bilowday duullaankeeda buuxa, Ukraine waxay si degdeg ah ula socotaa horumarinta warshadaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee gudaha si ay ugu suurtagasho inay weerarto tamarta Ruushka, militariga iyo kaabayaasha gaadiidka.

Ukraine ayaan ka hadlin weerarkan,waxana uu ku soo beegmay iyadoo laga dhawaajiyay digniino duqeymo xagga cirka ah oo ka dhacay Kyiv xilli ay mar kale duqeymo ka geysteen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka ay ku qaadeen caasimadda Ukraine.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM