UN-ka oo shaaciyey mowqifiisa heshiiska Iiraan iyo Sacuudiga

Image
Labada dal ee ku yaallla gacanka Faaris ee deriska la ah ayaa xiriirka isku jaray bishii Janaayo 2016.

NEW YORK, United States - Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweysay heshiiskii Sacuudiga iyo Iran ay gaareen Jimcihii ee ahaa in dib loo soo celiyo xiriirkooda diblomaasiyadeed, waxayna uga mahadcelisay Shiinaha doorka ay ku leedahay wada xaajoodka.

"Waxaan rabaa in aniga oo ku hadlaya magaca Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay soo dhoweeyo bayaan wadajir ah oo saddex geesood ah oo ay soo saareen Boqortooyada Sacuudiga, Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran iyo Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha," ayuu afhayeenka Qaramada Midoobay, Stephane Dujarric u sheegay suxufiyiinta.

Wuxuu raaciyey: "Xoghayaha Guud wuxuu muujinayaan sida uu ugu mahadcelinayo dadka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha martigelinta wada-hadalladii ugu dambeeyay iyo horumarinta wadahadalka u dhexeeya labada waddan". Waxa uu ammaanay dadaallada ay wadaan waddamo kale, sida Cumaan iyo Ciraaq.

"Xiriir derisnimo ee wanaagsan ee u dhexeeya Iran iyo Sacuudi Carabiya waxa uu uu muhiim u yahay xasiloonida gobolka Khaliijka," ayuu sii raaciyey Dujarric oo tibaaxay in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres uu diyaar u yahay "in uu sii horumariyo wada-hadallada gobolka iyo in la hubiyo nabada iyo amniga gobolka Khaliijka".

Labada dal ee ku yaallla gacanka Faaris ee deriska la ah ayaa xiriirka isku jaray ka dib markii ergadii dublamaasiyadeed ee Sacuudiga ee Tehran ay weerareen dad careysan bishii Janaayo 2016 ka dib dilkii Sheekh Nimr al-Nimr oo kamid ahaa shiicada Sacuudiga.

Wadaxajoodyo goos-goos ah ayaa labadan dal u dhaxeeyay ilaa Abriil 2021. Wadahadallada waxaa garwadeen ka ahaa Ciraaq. Balse, kaalinta Shiinaha ayaa soo korortey sanadihii ugu dambeeyay.

Xukuumadaha Tehran iyo Riyadh ayaa loolan xooggan oo tartanka hogaanka gobolka ah uu ka dhaxeeyaa. Hase ahaatee, isku-soo-dhowaanshiyahooda waxay halis ku tahay Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta oo is-gaashaanbuureysi ka dhaxeey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirkadda AstraZeneca oo qirtay in talaalka Covid-19 uu keeni karo “xanuun cafimaad”

Talaalkan ayaa si weyn loogu qeybiyay gudaha Soomaaliya sanadkii 2021.

  • Caalamka

    02-05-2024

  • 07:41AM

Banaanbaxyo lagu taageerayo qaddiyada Falastiin oo gilgilay Mareykanka

Ugu yaraan 20 mudaaharaadayaal ah oo taageersan Falastiin ayaa xabsi loogu taxaabay isu-soo-baxyadan aawadeed.

  • Caalamka

    02-05-2024

  • 05:25AM