UNRWA oo ka digtay biyo la'aanta ka jirto marinka Qasa

Image

QASA - Guddoomiyaha Hay’adda UNRWA Philippe Lazraini ayaa sheegay in biyo la’aanta ka jirto Marinka Qasa ay noqotay arrin ubaahan wax ka qabasho, isagoo intaa ku daray in loo baahan yahay in sidoo kale Shidaal-ka la geeyo Qasa.

Wararka la xiriira Xaalada bini'aadantinimo ee Qasa ayaa maalinba maalinta ka danbeysa sii xumaanaysa iyaga oo Ururka Caafimaadka Adduunka ay ka digeen masiibo bini'aadantinimo oo ku soo fool leh marinka.

Hay'adda Qaramada Midoobay ayaa bayaan ay soo saartay Sabtidii ku sheegtay in sahayda bini'aadantinimo aan loo ogoleyn inay gesho Qasa muddo toddobaad ah.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dadka ay hadda ku qasban yihiin inay isticmaalaan biyaha aan nadiifka ahayn ee ceelasha, taasoo kordhinaysa khatarta faafitaanka cudurrada la kala qaado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ka walaacsan in Zohran Mamdani uu noqdo duqa New York

Trump ayaa hadalkan ka sheegay wareysi uu siiyay Fox News oo la baahiyay Axaddii, isagoo si gaar ah u beegsaday Mamdani.

  • Caalamka

    30-06-2025

  • 08:04AM

Ruushka oo fuliyay weerarkii cirka ugu weynaa tan iyo bilowgii dagaalka Ukraine 

Aagag badan ayaa la beegsaday, oo ay ku jiraan galbeedka Ukraine, meel ka fog khadka hore ee dagaalka.

  • Caalamka

    29-06-2025

  • 11:11AM