UNRWA oo ka digtay biyo la'aanta ka jirto marinka Qasa

Image

QASA - Guddoomiyaha Hay’adda UNRWA Philippe Lazraini ayaa sheegay in biyo la’aanta ka jirto Marinka Qasa ay noqotay arrin ubaahan wax ka qabasho, isagoo intaa ku daray in loo baahan yahay in sidoo kale Shidaal-ka la geeyo Qasa.

Wararka la xiriira Xaalada bini'aadantinimo ee Qasa ayaa maalinba maalinta ka danbeysa sii xumaanaysa iyaga oo Ururka Caafimaadka Adduunka ay ka digeen masiibo bini'aadantinimo oo ku soo fool leh marinka.

Hay'adda Qaramada Midoobay ayaa bayaan ay soo saartay Sabtidii ku sheegtay in sahayda bini'aadantinimo aan loo ogoleyn inay gesho Qasa muddo toddobaad ah.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dadka ay hadda ku qasban yihiin inay isticmaalaan biyaha aan nadiifka ahayn ee ceelasha, taasoo kordhinaysa khatarta faafitaanka cudurrada la kala qaado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga oo hab cusub ku dhoofinaya shidaalka kadib cadaadiska Hormuz iyo Bab al-Mandab

Markab Sacuudigu leeyahay ayaa shidaalka kasoo qaada dekedaha Khaliijka, kadibna…

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 08:00AM

Kuuriyada Waqooyi oo diiday go’aan ka dhan ah barnaamijkeeda nukliyeerka

Wasaaradda ayaa Sabtidii sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay weligeed ahaan doonto quwad nukliyeer ah.

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 05:18AM