Ururka Daacish oo xaqiijiyey geerida hogaamiyahooda Abu al-Hussein al-Qurashi

Image

SYRIA - Afhayeen u hadlay ururka argagixisada ah ee Daacish ayaa Maanta oo Khamiis ah ku xaqiijiyey cod uu soo dhigay kanaalka Telegramka ee ururka geerida hoggaamiyihii Daacish, Abu al-Hussein al-Qurashi.

Afhayeenka u hadlay ururka ayaa sheegay in dilka hogaamiyahooda uu yimid ka dib dagaal ka dhacay magaalada Idlib ee waqooyi galbeed dalka Suuriya. Waana isla magaalada lagu dilay hogaamiyihii hore ee ururka Abu Bakar al-Baghdadi.

Kooxdan oo mar u talinaysay dad gaaraya malaayiin qof intii ay gacanta ku haysay saddex meelood meel ka mid ah dhulka Ciraaq iyo Suuriya, ayaa maanta awoodeedii aad loo wiiqey.

Waqooyi-galbeed ee dalka Suuriya ayaa noqoday meesha ugu muhiimsan ee ay nabdoonaan kooxda Daacish ee Bariga Dhexe, kaddib markii looga adkaaday Ciraaq 2017-kii iyo Suuriya 2019-kii. Halka maanta ay ku dhuumaaleysanayaan xadka Ciraaq iyo Suuriya oo dhererkeedu dhan yahay 600-km.

Bishii April ee la soo dhaafay ayuu Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan sheegay in Ciidamada Sirdoonka Turkiga ay howlgal qorsheysan oo ka dhacay gudaha dalka Suuriya ku dileen Abu al-Hussein al-Qurashi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM