Ururka Midowga Yurub oo joojiyay dhaqaalihii uu siin jiray hay’adda WFP

Image

BRUSSELS, Belgium - Ururka Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay inuu si ku meel gaar ah u joojiyay dhaqaalihii uu siin jirtay hay'adda QM u qaabilsan Cunnada Adduunka ee WFP xafiiska u qaabilsan dalka Soomaaliya.

War qoraal ah oo Midowga Yurub soo saarey ayaa lagu sheegay in go'aanka hakinta lacagtii WFP yimid kadib markii baaritaan ay sameysay Qaramada Midoobay lagu ogaaday xatooyo baahsan iyo ku takrifalka lagu sameeyay gargaarka bini'aadanimo ee loogu tala galay Soomaaliya oo wajahaysa abaar daba dheeraatay.

Midowga Yurub ayaa doonayay in dhaqaalaha uu bixiyay ee soo mariyeen WFP looga hortago macluusha Soomaaliya sanadkii hore.

In ka badan 7 milyan oo doollar ku siiyay WFP sannadkii hore, qayb ka mid ah deeqahaas oo ah in ka badan $1 bilyan oo ay heshay, sida ay muujinayso xogta Qaramada Midoobay.

Balazs Ujvari, oo ah afhayeenka guddiga Yurub, ma xaqiijin mana beenin joojinta ku meel gaadhka ah laakiin wuxuu yiri: "Ilaa hadda, Midowga Yurub lama ogaysiin la-hawlgalayaasheeda Qaraamda Midoobay saamaynta dhaqaale ee mashaariicda uu maalgeliyo Midowga Yurub.

"Si kastaba ha ahaatee, waxaan sii wadi doonaa inaan la soconno xaaladda, waxaanan u hoggaansannahay habkayaga dulqaad-la'aanta ah ee ku wajahan musuqmaasuqa, ama dhaqan-xumada." ayuu yiri Balazs Ujvari.

WFP kama aysan jawaabin go’aanka kasoo baxay Midowga Yurub.

Mid ka mid ah saraakiisha sare ee Midowga Yurub ayaa sheegay in go’aanka la qaatay kadib markii baaritaanka Qaramada Midoobay lagu ogaaday in mulkiilayaasha dhulka, maamulka deegaanka, xubno ka tirsan ciidamada ammaanka iyo shaqaalaha samafalka ay dhamaantood ku lug lahaayeen xatooyada gargaarka loogu talagalay dadka nugul.

Sarkaalkan oo magaciisa ka gaabsaday ayaa sheegay in gargaarka dib loo soo celin doono marka ay WFP buuxiso shuruudo dheeraad ah, sida in la kala shaandheeyo la-hawlgalayaasha ku sugan Soomaaliya.

Baaritaanka ay sameysay Qaramada Midoobay waxaa lagu sheegay in barakacayaasha (IDPs) lagu khasbay inay bixiyaan kala bar kaalmada lacagta caddaanka ee WFP ay ka helaan, iyadoo loogu hanjabayo in laga saarayo, la xirayo ama laga saarayo diiwaan-gelinta liisaska ka-faa'iideystayaasha.

Saddex bilood ka hor WFP iyo Hay’adda Maraykanka u qaabilsan Horumarinta Caalamiga ah (USAID) waxay hakiyeen cuntadii gargaar ee ay siin jireen dalka Itoobiya si ay uga jawaabaan deeqaha baahsan ee la leexsado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sri Lanka oo xirtey askar u dhalatay dalkaas kuna biirtey milatariga Ruushka

Arrintan ayaa waxa ay kusoo hagaagtay maalin kadib markii dalka ay deriska yihiin ee Hindiya uu afar qof lagu xiray kiis kan la mid ah.

  • Caalamka

    09-05-2024

  • 04:59PM

Pakistan: Sagaal qof oo time-jare ahaa oo toogasho lagu dilay

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkan oo dhacay aroortii hore ee Khamiista maanta ah.

  • Caalamka

    09-05-2024

  • 08:04AM