Vietnam oo yeelatay hogaamiye cusub kadib kacdoon siyaasadeed

Image
Xilka madaxweynaha ayaa dalkan ka ah jago maamuus hase ahaatee waa jago awood badan.

HANOI, Vietnam - Baarlamaanka Vietnam ayaa u coddeeyay Vo Van Thuong inuu noqdo madaxweynaha cusub ee dalkaas kadib isku shaandheyn lagu sameeyay hogaanka sarre iyadoo uu socdo olole ballaaran oo ka dhan ah musuqmaasuqa.

Kalfadhi aan caadi ahayn oo Khamiista yeesheen, sharci-dajiyayaashu waxay taageereen Thuong ka dib markii xisbiga shuuciga ee talada haya uu u magacaabay Arbacadii inuu yahay musharraxa keliya ee u taagan xilkaas.

Xilka madaxweynaha ayaa dalkan ka ah jago maamuus hase ahaatee waa afarta xil ee ugu awooda waddankan ku yaalla qaaradda Aasiya marka laga hadlayo loolanka siyaasadda.

Isugeyn 487 ka mid ah 488 xubnood oo xaadirtey fadhiga Golaha Shacbiga ayaa u codeeyay Thuong, sidda ay sheegtay Viet Nam News ee ay dawladdu maamusho.

Magacaabida Thuong ayaa ku soo beegantay xilli uu kacdoono siyaasadeed ka socday Vietnam, halkaas oo xisbiga shuuciga ah ee awoodda badan uu bilaabay olole lagu sifeynayo shaqsiyaad lala xiriirinayo musuqmaasuqa.

Wasiiro dhowr ah ayaa shaqadda laga eryay kadib markii ay kusoo baxeen caddeymo muujinaya in ay lunsadeen xoolo dadwayne taasoo horseeday banaanbaxyo dadwayne.

Doorashadu waxay daba socotaa xil ka qaadis kedis ah bishii Janaayo ee lagu sameeyay hogaamiyihii ka horreeyay, Nguyen Xuan Phuc, kaas oo xisbigu ku eedeeyay "xadgudubyo iyo khaladaad" oo ay geysteen mas'uuliyiinta uu xukumo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM