Putin oo ku hanjabay weeraro horleh kana dhan ah Ukraine

Image
Dhawaqan ayaa imaanaya xilli Moscow ay maanta gantaalo ku garaacdey caasimadda Kyiv.

MOSCOW, Russia - Madaxweyne Vladimir Putin ayaa Isniinta maanta ah wuxuu shir guddoominayay kulanka guud ee golihiisa ammaanka – dhacdo aan caadi ahayn, maadaama kulamadan inta badan la qabto Jimcaha.

War qoraal ah oo uu baahiyay TV-ga dowladda, ayuu ku eedeeyay Ukraine inay duqaysay dhuumaha gaaska ee Turkish Stream gaaska - dhuun gaaska dabiiciga ah ee ka soo qaada Ruushka geysana Turkiga iyada oo sii marta badda madow.

Putin ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in Ukraine ay weerartay xarunta tamarta Nukliyeerka ee Kursk ee galbeedka Ruushka, isagoo dib ugu laabanaya eedeymihii bishii Ogosto ee la soo dhaafay.

Waqtigaas, hay'adda FSB waxay sheegtay in weerarradu ay saameeyeen "habraaca farsamada ee shaqeynta" warshadda Nukliyeerka Kursk. Ukraine ayaa iska fogeysay eedeyntaas.

Bayaanka ayuu Putin sidoo kale ku sheegay in Ukraine ay ka dambeysay weeraradii lagu qaaday warshadda korontada ee Zaporizhzhia, taasoo uu ku sheegay inay ka dhigan tahay "argagixiso atomic ah".

Ukraine iyo Ruushka ayaa marar badan is weydaarsaday eedeymaha la xiriira duqeynta xarumo kala duwan. Balse, mid walba oo kamid ah labada dhinac ma uusan soo bandhigin wax caddeymo ah.

Putin ayaa intaa ku daray "in ay sii socdaan isku dayada lagu doonayo in lagu qaado weerarrada argagixisanimo ee ka socda dhulka Ruushka, jawaabtu waxay noqon doontaa mid adag oo la mid ah heerka hanjabaadaha".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo wajahaya cadaadis sii xoogeysanaya, isagoo ka fiirsanaya iscasilaad

Starmer ayaa muddooyinkii dambe wajahaya hoos u dhac ku yimid taageeradiisa, qaladaad dhanka siyaasadda ah iyo fadeexado isa soo tarayay.

  • Caalamka

    21-06-2026

  • 03:26PM

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM