Putin oo ku hanjabay weeraro horleh kana dhan ah Ukraine

Image
Dhawaqan ayaa imaanaya xilli Moscow ay maanta gantaalo ku garaacdey caasimadda Kyiv.

MOSCOW, Russia - Madaxweyne Vladimir Putin ayaa Isniinta maanta ah wuxuu shir guddoominayay kulanka guud ee golihiisa ammaanka – dhacdo aan caadi ahayn, maadaama kulamadan inta badan la qabto Jimcaha.

War qoraal ah oo uu baahiyay TV-ga dowladda, ayuu ku eedeeyay Ukraine inay duqaysay dhuumaha gaaska ee Turkish Stream gaaska - dhuun gaaska dabiiciga ah ee ka soo qaada Ruushka geysana Turkiga iyada oo sii marta badda madow.

Putin ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in Ukraine ay weerartay xarunta tamarta Nukliyeerka ee Kursk ee galbeedka Ruushka, isagoo dib ugu laabanaya eedeymihii bishii Ogosto ee la soo dhaafay.

Waqtigaas, hay'adda FSB waxay sheegtay in weerarradu ay saameeyeen "habraaca farsamada ee shaqeynta" warshadda Nukliyeerka Kursk. Ukraine ayaa iska fogeysay eedeyntaas.

Bayaanka ayuu Putin sidoo kale ku sheegay in Ukraine ay ka dambeysay weeraradii lagu qaaday warshadda korontada ee Zaporizhzhia, taasoo uu ku sheegay inay ka dhigan tahay "argagixiso atomic ah".

Ukraine iyo Ruushka ayaa marar badan is weydaarsaday eedeymaha la xiriira duqeynta xarumo kala duwan. Balse, mid walba oo kamid ah labada dhinac ma uusan soo bandhigin wax caddeymo ah.

Putin ayaa intaa ku daray "in ay sii socdaan isku dayada lagu doonayo in lagu qaado weerarrada argagixisanimo ee ka socda dhulka Ruushka, jawaabtu waxay noqon doontaa mid adag oo la mid ah heerka hanjabaadaha".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Wadahadal “si aad ah u fiicnaa” baan Putin kala yeeshay Xabad-joojinta Ukraine 

Sidoo kale, Trump ayaa sheegay in Vatican-ka, oo uu matalayo Papa, uu muujiyay xiisaha uu u qabo martigelinta wadahadalada.

  • Caalamka

    20-05-2025

  • 05:21AM

Hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub: Xaaladda Bani’aadanimo ee Gaza Waa Mid “Aan La Aqbali Karin”

UK iyo Midowga Yurub ayaa sidoo kale ku baaqay in si rasmi ah loo joojiyo dagaalka Gaza iyo in la sii daayo dhammaan dadka la haysto.

  • Caalamka

    20-05-2025

  • 05:00AM