Vladimir Putin oo qishay talaabo uusan ka fulin doonin Ukraine

Image
Putin ayaa hadalkan ku sheegay fariin telefishanka laga sii daayay si uu u xuso maalinta haweenka aduunka.

MOSCOW, Russia – Ruushka kuma daabuli doono Ukraine askarta sida qasabka ah loogu daray milatariga Russia, sida uu ku dhawaaqay madaxwayne Putin xilli ay jiraan warar sheegaya in uu adeegsanayo dagaalameyaal Suuriyaan ah.

"Waxaan carrabka ku adkeynayaa in askarta cusub ee lasoo qorayo ka qaybqaadaneynin colaadaha, kana qayb qaadan doonin. Mana jiri doonto in loo yeero askarta keydka," ayuu Putin ayaa ku yiri fariin telefishanka laga sii daayay si uu u xuso maalinta haweenka aduunka, isagoo ku celceliyay hadalo la mid ah oo uu jeediyay todobaadkii hore.

Dhanka kale, wakiilka wada-xaajoodka ee Ukraine ayaa sheegay in wadahadallo lala yeeshay Ruushka oo lagu doonayay in lagu furo waddooyinka bini'aadantinimada ay keeneen xoogaa horumar ah oo ku saabsan saadka daadgureynta, laakiin ma jiro nidaam si weyn u hagaajinaya xaaladda ballaaran.

“Labada dhinac waxay sii wadi doonaan wadahadalada ku saabsan xabbad joojinta,” Mykhailo Podolyak ayaa ku sheegay bayaan muuqaal ah.

Wakiilka sare Ruushka u qaabilsan wada-xaajoodka, Vladimir Medinsky, ayaa tibaaxay inuu filayo in marinnada bini'aadantinimo ee Ukraine ay ugu dambeyntii bilaabi doonaan inay shaqeeyaan Talaadada.

Medinsky ayaa caddeeyay in aan wax horumar ah laga gaarin is-afgarad siyaasadeed, balse waxa uu rajo ka muujiyay in wareegga xiga uu noqon karo mid miro dhal ah.

"Filashooyinkayagii wadahadallada waa ay guul-darreysteen, laakiin waxaan rajaynaynaa inaan awoodno in aan sameyno tallaabo muhim ah oo horay loo qaaday marka xigta," ayuu yiri Medinsky. "Wadahadaladu way sii socon doonaan”.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran: Maraykanka kula xisaabtami doonaa Haddii Israel Weerarto Goobaheena Nukliyeerka 

Israel ma aysan xaqiijin qorshe kasta oo weerar ah, balse madaxda sare ee dalkaasi oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

  • Caalamka

    22-05-2025

  • 02:53PM

Falkii Toogashada ee Madxafka Yahuuda ee Washington, D.C. – Faahfaahin Cusub

Dhinaca kale, dhacdadan ayaa xusuusinaysa weerarkii hore ee ka dhacay Madxafka Xusuusta Holocaust ee Washington, D.C., bishii Juun 2009.

  • Caalamka

    22-05-2025

  • 09:47AM