Vladimir Putin: Uma baahni in aan kulan la yeesho Joe Biden

Image
Madaxweynaha Ruushka ayaa hadalkan sheegay kahor shir madaxeedka G-20 ee bisha Nofeembar.

MOSCOW, Russia - Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Jimcihii sheegay in "aan loo baahnayn" wadahadal uu la yeesho dhiggiisa Mareykanka Joe Biden, sidda ay kasoo xigatay warbaahinta maxaliga.

Hadalkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo xiisadda u dhexeysa Moscow iyo Washington ay sii kordheyso iyaga oo isku haya arrimo ay ay ku jiraan duullaankii Moscow ee Ukraine.

"Waa inaan waydiinnaa inuu diyaar u yahay inuu wadahadalo noocan oo kale ah ila qabto iyo in kale, ma arko baahida, run ahaantii anigu waqti-xaadirkan," ayuu yidhi Putin.

Jadwaabtan ayuu bixiyey ka gadaal markii la waydiiyay kulan suurtagal ah oo uu la yeelan doono Biden inta uu socdo maa kadib shir madaxeedka G-20 Nofeembar.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Putin ayaa waxa uu intaa ku daray in ka qaybgalkiisa shir madaxeedka ay martigelinayso Indonesia uu yahay mid aan wali si rasmi ah loo go'aamin.

"Su'aasha ku saabsan safarkayga halkaas lama soo dhameystirin, Ruushka ayaa hubaal ah inuu ka qayb qaadan doono. Qaabka, weli waan ka fekereynaa," Putin ayaa u sheegay suxufiyiinta ka dib shir madaxeedkii Kazakhstan.

Isagoo hadlayay horaantii isbuucan, Biden wuxuu sheegay inuusan "wax niyad ah" ka lahayn inuu la kulmo Putin laakiin ma uusan meesha ka saarin wadahadalo dhici kara taasoo ka dhigan in dhankiisa uu diyaar yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo weli la la’yahay kaddib fatahaado ka dhacay Texas

Biyaha xooggan ayaa si lama filaan ah u dhex maray xerada, iyadoo ay jiiteen guryaha jiingadaha ah ee dadka hurday.

  • Caalamka

    09-07-2025

  • 05:17AM

Madaxweyne Trump oo Sheegay in Maraykanka uu Wadahadallo la Yeelanayo Iran

Wadahadalladii lixaad ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran ayaa loo qorsheeyay inay dhacaan 15-kii Juun.

  • Caalamka

    08-07-2025

  • 11:58AM