Volodymyr Zelenskyy: Hogaamiyaha Ukraine oo xujeystay Putin

Image
Reer Galbeedka ayuu ka codsadey in ay kordhiyaan kaalmadda dhanka milatariga.

KYIV, Ukraine - Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa ku booriyay dhigiisa Ruushka, Vladimir Putin, inay isugu yimaadaan wadahadal toos ah si loosoo afjaro duulaanka Ruushka ee dalkiisa, isagoo sidoo kale ugu baaqay reer galbeedka inay kordhiyaan kaalmada militari ee Kyiv.

Isagoo saxafiyiinta kula hadlayay xafiiskiisa sida weyn loo ilaaliyo oo ku yaal caasimadda Ukraine, Zelenskyy ayaa Khamiistii uga digay reer galbeedka in Ruushka laga yaabo inuu u sii gudbo Yurub inteeda kale haddii weerarka militari ee Putin uu guuleysto.

"Ma ahan inaan doonayo inaan la hadlo Putin," ayuu yiri madaxweynaha Ukraine. "Waxaan u baahanahay inaan la hadlo Putin, dunidu waxay u baahan tahay inay la hadasho Putin, ma jirto qaab kale oo lagu joojin karo dagaalka."

Ka dib, isagoo la hadlaya Putin, wuxuu ku yidhi: "Maxaad naga rabtaa? Dhulkeena ka taga. Ila fadhiiso, aniga oo 30 mitir kuu jira," ayuu raaciyay, isagoo tixraacaya qaabka Putin ugu qaabilo hoggaamiyeyaasha adduunka miiska aadka u dheer.

Putin ayaa billaabay duulaanka Ruushka ee Ukraine usbuucii hore, isagoo ku sifeeyay "howlgal militari oo gaar ah" oo looga dan leeyahay in meesha looga saaro "Naasiyiinta cusub" ee talada dalka haya.

Reer galbeedku waxay kaga jawaabeen cunaqabatayn aan hore loo arag Moscow, balse ciidamada Ruushka ayaa sii wada weerarada ay ku hayaan magaalooyinka Ukraine, sida caasimada Kyiv oo ku taal waqooyiga, magaalada labaad ee ugu wayn ee Kharkiv ee bariga iyo dekedaha Kherson iyo Mariupol Koonfur.

Dagaalkan oo socday muddo siddeed maalmood ah ayaa waxaa ku dhintay kuna dhaawacay kumannaan qof iyadoo in ka badan hal milyan oo qaxooti ah ay u qaxeen dalalka deriska la ah Ukraine.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa si fool-ka-fool ah isugu arkay goob aan la shaacin oo ku taala xuduudka dalka Belarus. Laba wareeg wadahadalo ah ayaana dhexmaray wakiilo ay soo kala dirsadeen labaddan waddan. Natiijada ilaa haatan laga hayo waa marin loo baneeyay dadka sii baxaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Yahuuda oo duqeyn cusub ku laysay tobanaan qof Falastiini ah

Xiisad ayaa ka taagneyd guud ahaan dhulka la heysto ee Daanta Galbeed tan iyo markii Israa’iil ay billowday duullaan.

  • Caalamka

    18-05-2024

  • 03:26AM

Ra'iisul Wasaaraha Slovakia oo lala beegsaday isku-day khaarijin ah

Robert Fico oo xukunka kusoo laabtey sanadkii hore ayaa u jaranjeera dhanka Ruushka.

  • Caalamka

    16-05-2024

  • 03:40AM