Waa kuma xiddiga Liverpool oo aabihiis la afduubtay?

Image

LONDON - Booliska Colombia ayaa sii wada baadigoobka aabaha dhalay weeraryahanka Liverpool Luis Diaz, maalin kadib markii isaga iyo xaaskiisa laga afduubtay meel u dhow xadka dalkaasi uu la wadaago Venezuela.

Kooxo hubeysan ayaa Sabtidii kasoo afduubtay Luis Manuel Diaz iyo xaaskiisa Marulanda magaalada Barrancas ee ku teedsan badda Kariibiyaanka.

Booliiska ayaa sheegay inay soo badbaadiyeen Marulanda fiidkii, balse ninkeeda ayaa weli ku jira gacanta kooxda hubaysan.

William Salamanca oo ah sarkaal ka tirsan booliiska ayaa sheegay in uu khadka taleefoonka ugu sheegay ciyaaryahanka kooxda Liverpool in uu sameeyay dadaal kasta oo uu ku raadinayo aabihiis, waxa uuna sidoo kale u sheegay in hooyadiis ay nabad qabto oo aysan waxba gaarin.

Booliiska Colombia ayaa abaal-marin lacageed oo dhan 49,000 oo Dollar u ballan qaadday cid kasta oo soo sheegta halka uu ku sugan yahay Diaz aabihiis.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo beenisay inay wada-xaajood ka dalbatay Mareykanka xili xiisad dagaal jirto

Tani ayaa ku soo beegmaysa kadib markii Madaxweyne Donald Trump uu Talaadadii sheegay in “ciidan kale” uu ku sii socdo Iran.

  • Caalamka

    28-01-2026

  • 01:51PM

Spain oo Sharciyo siinaysa Nus Milyan Muhaajiriin Sharci-la’aan ah

Saiz waxay sheegtay in tallaabadan ay tahay mid lagama maarmaan u ah ka jawaabidda xaqiiqada ka jirta waddooyinka dalka.

  • Caalamka

    28-01-2026

  • 09:41AM