Waa maxay xiriirka ka dhaxeeya Yahuuda iyo Shirkadda “Adidas”?

Image
Magaca “Adidas” ayaa la hadal hayaa khilaaf walba uu dhaxmaro Israa’iil iyo Falastiin,

QUDUS (GO) - Xiriirka ka dhaxeeya Adidas iyo Yuhuuda ayaa si weyn isu badalayay tan iyo 1930-kii. Sida laga soo xigtay Wargeyska “Times of Israel”.

Shirkadda Jarmalka laga leeyahay ayaa la aasaasay 1924-kii iyada oo loo yaqiinay "Dassler Brothers Shoe Factory", waxaana lahaa laba walaalo ah Adolf (Adi) iyo Rudolf Dassler.

Magaca “Adidas” wuxuu ka yimid isku darka magaca “Adolf” iyo magaca qoyska “Dassler.” oo la soo gaabiyay, Dhanka Rudolf, wuxuu markii dambe kala tagay walaalkiis ka dib markii ay is-afgaran waayeen, isaga oo aasaasay shirkadda "Puma" oo tartan kula jirta.

Maajo 1, 1933, ka dib markii uu hoggaamiyihii Naasiyiinta Adolf Hitler oo qabsaday awoodda Jarmalka, Adolf Dassler iyo walaalkiis waxay si rasmi ah ugu biireen Xisbiga Naasiyiinta.

Inta lagu guda jiray Xukunkii Naasiyiinta, hantida shirkada Adidas ayaa kor u kacday, cabbirkeedina dhawr jeer ayuu labanlaabtay.

Adidas hadda waxay ka fogaataa tixraac kasta oo xiriir la leh Naasiyiinta, iyada oo si xad dhaaf ah taageero u muujiso Yahuudda iyo Israa’iil, si aan lala xiriirin xasuuqa loo geystay Yahuuda.

Magaca “Adidas” ayaa la hadal hayaa khilaaf walba uu dhaxmaro Israa’iil iyo Falastiin, dalalka Carabta ayaa qaadacay shirkadda sannadkii 2012-kii, sababo la xiriira inay qeyb ka ahayd Maalgashadayaashii tartanka “Marathon-ka Qudus”, kaasoo lagu qabtay dhul ay Falastiiniyiintu leeyihiin.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM