Wadahadalada heshiiska Nukliyeerka oo dib u bilowdey

Image
Mareykanka ayaa si dadban uga qeyb galay wadahadalka maadaama uu ka baxay heshiiskii sanadkii 2018-kii

VIENNA, Austria – Wadahadallada u dhexeeya Iran iyo quwadaha adduunka ee looga golleeyahay in lagu badbaadiyo heshiiskii nukliyeerka ee burburay ee 2015 ayaa dib uga bilowday Vienna ka dib maalmo hakad.

Tani ayaa kusoo hagaageysa iyadoo xiisaddu ay sare u kacday ka dib markii Tehran ay soo bandhigtay dalabyo todobaadkii hore ay waddamada Yurub si adag u dhaleeceeyeen.

Khamiista, kulan ay isugu imaanayaan dhammaan saxiixayaasha heshiiska haray - Iran, Britain, France, Germany, Russia iyo China - ayaa lagu waday inuu bilaabmo duhurnimadii, waxaana shir guddoominaya diblomaasiga Midowga Yurub, Enrique Mora.

Mareykanka ayaa si dadban uga qeyb galay wadahadalka sababtoo ah waxa uu ka baxay heshiiskii sanadkii 2018-kii xiligaasi oo uu madaxweynaha ka ahaa Donald Trump.

Madaxweyne Joe Biden ayaa saxiixay inuu doonayo inuu dib ugu soo laabto heshiiska. Xukuumadda Washington ayaa qorsheynaysa inay dhammaadka todobaadka u soo dirto Vienna wafdi uu hoggaaminayo Robert Malley, ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Iran.

Diblomaasiyiinta reer Yurub ayaa ku booriyay Tehran in ay la soo noqoto "soo jeedinno macquul ah" ka dib markii wafdiga Iran ay sameeyeen dalabyo badan todobaadkii hore in dhinacyada kale ee heshiiska ay u arkaan inaan la aqbali karin.

Dhinaca kale, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka, Ned Price, ayaa Twitter-ka todobaadkan sheegay in Maraykanku uu rajaynayo in wada-hadallada soo socda ay u dhacaan si ka duwan sidii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

India oo lagu dhaleeceeyay ka "Aamusnaanta" weerarkii lagu dilay Ayatollah Ali Khamenei

Weerarkaas oo dhacay Sabtidii, ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen 786 qof, kuwaas oo ay ku jiraan carruur dugsiyada dhiganaysay.

  • Caalamka

    03-03-2026

  • 07:45PM

Iran oo Duqeysay Safaaradda Mareykanka ee Riyadh

Wasaaradda Difaaca Sacuudiga ayaa sheegtay in laba drone ay ku dhaceen ama ku qarxeen…

  • Caalamka

    03-03-2026

  • 06:43AM