Wadahadalka Dooxa: Qodobka ay isku-hayaan kooxda Xamaas iyo Israa'iil

Image
Madaxda sirdoonka Mareykanka, Yahuuda iyo Masar ayaa horboodaya wadaxaajoodyaddan.

DOOXA, Qadar - Warbaahinta dadweynaha Israel [KAN] ayaa warisay in Qadar ay ka bilowdeen wadahadalo la doonayo in lagu gaaro heshiis u gogol-xaaraya in muddo dheer la hakiyo dagaalka Gaza.

Sidda ku cad warbixinta, wadaxaajoodkan ayaa lagu goobayaa heshiis cusub oo ku saabsan "joojin bini'aadantinimo oo muddada dheer ee dagaalka ay Israa'iil ku go'doomisay dhulka Falasiin".

KAN ayaa waxa ay intaas ku dartey in wadaxaajoodka ay qeyb ka tahay sii deynta dhammaan maxaabiista Israel ee ku go’doonsan Gaza, oo ay ku jiraan askar.

Sidoo kale, waxaa lasoo wariyay in doodaha miiska saaran ay kamid tahay sii deynta dhamaan Falastiiniyiinta ku jira jeelasha Yahuuda, oo ay ku jiraan qaarka “lagu xukumay” in ay geysteen dil.

Falastiiniyiinta ayaa had iyo jeer waxa ay muran geliyaan xaqiiqo ahaanshiyaha iyo hanaanka cadaaladeed eedeymaha iyo xukunka lagu rido dadkooda ee waqti-xaadirkan ku jira xabsiyadda Yahuuda.

KAN ayaa tibaaxdey in kooxda iska caabinta Falastiin ee Xamaas ay muujisay sida ay u ansixinayso qodobbada ballaaran ee heshiiska cusub balse waxa ay intaa ku dartay in ay dalbatay "xabad joojin dhammaystiran," taas oo Israa'iil ay weli diidan tahay.

Wadahadalada waxaa wada madaxa hay’adda sirdoonka Israel ee Mossad, David Barnea, madaxa hay’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA William Burns, agaasimaha sirdoonka guud ee Masar Cabbaas Kamel.

Ra’iisul wasaaraha Qatar Sheikh Mohammed bin Abdul Rahman Al Thani ayaa sidoo kale waxa uu qeyb ka yahay doodda wadaxaajoodyadda isaga oo matalaya xukuumadda fadhigeedu yahay magaaladda Dooxa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qatar: Weerarka Doha waxaa sabab u ah fashilka Beesha Caalamka in lala xisaabtamo Netanyahu 

Qatar ayaa horey u xaqiijisay in weerarka lagu dilay xubno ka tirsan Hamas iyo askari Qatari ah, iyadoo cambaareysay ficilkaasi ay Israel ka gaysatay.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:53AM

Turkiga oo Beeniyay in Israel ay Bartilmaameedsatay Ciidamadiisa jooga Suuriya  

Wasaaradda Difaaca Türkiye waxay ugu baaqday beesha caalamka inay si degdeg ah tallaabo uga qaado Israel.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:37AM