Wadahadalka Dooxa: Qodobka ay isku-hayaan kooxda Xamaas iyo Israa'iil

Image
Madaxda sirdoonka Mareykanka, Yahuuda iyo Masar ayaa horboodaya wadaxaajoodyaddan.

DOOXA, Qadar - Warbaahinta dadweynaha Israel [KAN] ayaa warisay in Qadar ay ka bilowdeen wadahadalo la doonayo in lagu gaaro heshiis u gogol-xaaraya in muddo dheer la hakiyo dagaalka Gaza.

Sidda ku cad warbixinta, wadaxaajoodkan ayaa lagu goobayaa heshiis cusub oo ku saabsan "joojin bini'aadantinimo oo muddada dheer ee dagaalka ay Israa'iil ku go'doomisay dhulka Falasiin".

KAN ayaa waxa ay intaas ku dartey in wadaxaajoodka ay qeyb ka tahay sii deynta dhammaan maxaabiista Israel ee ku go’doonsan Gaza, oo ay ku jiraan askar.

Sidoo kale, waxaa lasoo wariyay in doodaha miiska saaran ay kamid tahay sii deynta dhamaan Falastiiniyiinta ku jira jeelasha Yahuuda, oo ay ku jiraan qaarka “lagu xukumay” in ay geysteen dil.

Falastiiniyiinta ayaa had iyo jeer waxa ay muran geliyaan xaqiiqo ahaanshiyaha iyo hanaanka cadaaladeed eedeymaha iyo xukunka lagu rido dadkooda ee waqti-xaadirkan ku jira xabsiyadda Yahuuda.

KAN ayaa tibaaxdey in kooxda iska caabinta Falastiin ee Xamaas ay muujisay sida ay u ansixinayso qodobbada ballaaran ee heshiiska cusub balse waxa ay intaa ku dartay in ay dalbatay "xabad joojin dhammaystiran," taas oo Israa'iil ay weli diidan tahay.

Wadahadalada waxaa wada madaxa hay’adda sirdoonka Israel ee Mossad, David Barnea, madaxa hay’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA William Burns, agaasimaha sirdoonka guud ee Masar Cabbaas Kamel.

Ra’iisul wasaaraha Qatar Sheikh Mohammed bin Abdul Rahman Al Thani ayaa sidoo kale waxa uu qeyb ka yahay doodda wadaxaajoodyadda isaga oo matalaya xukuumadda fadhigeedu yahay magaaladda Dooxa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM