Wadahadalo dadban oo u bilowday Xamaas iyo maamulka Yahuuda

Image
Dalalka Qadar iyo Masar ayaa u kala dad-qaadayo dhinacyadda wadaxaajoodyada u furmeen.

MUQDISHO, Soomaaliya - Warbaahinta Maraykanka iyo Israa’iil ayaa sheegay in Israa’iil iyo Xamaas ay dib u bilaabeen wada-hadallada dadban ee caasimadda Qatar ee Dooxa.

Axios, oo soo xiganaya laba sarkaal oo Israel ka tirsan oo aan la magacaabin, ayaa sheegay in weftiga Israa’iil ee uu hoggaaminayo madaxa Mossad David Barnea ay la kulmeen dhexdhexaadiyeyaal Qatar iyo Masar ah oo uu hoggaaminayey Ra’iisal-wasaaraha Qatar Mohammed Bin Abdulrahman al-Thani.

Sarkaal sare oo Israa’iil ka tirsan ayaa u sheegay mareegaha wararka ee Maraykanka in wadahadallada hadda socda ay qaadan karaan ugu yaraan laba toddobaad, wafdiga Israa’iilna ay ku sii sugnaan doonaan magaalada Dooxa si ay wadahadallo faahfaahsan ula yeeshaan dhexdhexaadiyayaasha Qatar iyo Masar.

Dhexdhexaadiyayaasha ayaa u kala gudbaaya wufuud ka kala socota Israel iyo Xamaas kuwaas oo ku kala sugan qaybo kala duwan oo ka mid ah isla xarunta Doha, sida uu sheegay sarkaalku.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Xamaas iyo dalalka dhexdhexaadinta.

Shabakadda wararka ee Time of Israel, oo soo xiganaysa warbaahinta kale ee Israa’iil, ayaa sidoo kale sheegtay in wada-hadallada ay bilowdeen.

Time of Israel ayaa waxay intaa ku dartay in Barnea ay u badan tahay inuu ku laabto Israel maalinta Talaadada, halka kooxda wada xaajoodka Israel ay sii joogi doonaan Doha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Biden oo lagu cambaareeyay "inkirida" saxafiyiinta lagu dilay Gaza

Madaxweynaha Mareykanka oo martigeliyay xaflad ku saabsan xorriyada saxaafada ayaan soo hadal-qaadin qadiyaddan.

  • Caalamka

    28-04-2024

  • 04:23AM

Sacuudiga oo ka digay Shirkadaha Xajka ee bixiya dukumentiyo been abuur ah

Wasaaradda Arrimaha Xajka iyo Cumrada Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa degniintan soo saaray.

  • Caalamka

    27-04-2024

  • 07:47AM