Wadamada G7 oo ugu baaqay Xuutiyiinta inay joojiyaan weerarada ay ku hayaan maraakiibta Israel

Image
Xuutiyiinta ayaa 19kii bishan ku dhawaaqay inay gacanta ku dhigeen markabka "Galaxy Leader"

SANA'A (GO) - Wadamada G7 ayaa ugu baaqay Xuutiyiinta Yemen inay si deg deg ah u joojiyaan weerarada ka dhanka ah dadka rayidka ah, isla markaana ay joojiyaan hanjabaadaha ay ku hayaan marinnada maraakiibta caalamiga ah.

Xuutiyiinta ayaa horaantii bishan afduubtay markabka “Galaxy Leader” oo uu leeyahay ganacsade Israa’iili ah.

Kooxda ayaa Todobaad ka hor ku dhawaaqday inay gacanta ku dhigtay markabka xamuulka ah ee "Galaxy Leader", oo ku suganaa badda cas, una qaaday xeebaha Yemen, iyagoo taageero u fidinaya iska caabinta Falastiiniyiinta ee marinka Qasa.

Sidoo kale waxay ku hanjabtay inay beegsan doonto maraakiib kasta oo ay maamusho ama ay leedahay Israel.

Wasiiradda arrimaha dibadda ee G7 ayaa ku baaqay in la kordhiyo xabbad joojinta bini'aadantinimo ee Marinka Qasa, waxayna raaciyeen:

"Waxaan ku baaqaynaa in si degdeg ah oo shuruud la'aan ah loo sii daayo dhammaan maxaabiista ku xiran Qasa".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM