Wadamadda G7 oo cod dheer ugu goodiyey Ruushka

Image
Xiisada ayaa sii kordheysa iyadoo Moscow ay ciidamo kusoo aruurisay xadka Ukraine.

LONDON, Britain - Kooxda G7 ee hodanka ku ah dimuqraadiyadda iyo dhaqaalaha aduunka ayaa qoraal wadajir ah oo ay soo saareen uga digay Ruushka "cawaaqib weyn" haddii uu soo galo dhul-weynaha waddanka Ukraine.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee UK, Liz Truss, oo ka hadlaysay shir madaxeedkii ka dhacay Liverpool, ayaa sheegtay in kooxdu ay doonayso in Ruushka uu joojiyo gardarada uu ku hayo Ukraine.

Madaxweyne Putin ayaa u sheegay Madaxweyne Biden intii lagu guda jiray wicitaankooda muuqaalka ah todobaadkii hore in ciidamada Ruushka aysan cidna khatar ku ahayn, sida ay ku warrantay warbaahinta Ruushka.

Xiisada oo si weyn looga cabsi qabo in ay si deg-deg ah isugu rogto dagaal fool ka fool ah ayaa sii kordheysa iyadoo Moscow ay ciidamo kusoo aruurisay xadka Ukraine.

Mr Putin waxa uu intaa ku daray in aanu wax rajo ah oo gaar ah u hayn ka dib markii uu la hadlay Mr Biden, balse uu jeclaan lahaa in uu si shakhsi ah ula kulmo, sida ay warbaahinta maxaliga ah ka soo xigtay afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov.

"Ruushka iyo Maraykanku waxay sii wadaan xal u helida kala duwanaanshaha fikradeed ee halista ah," Mr Peskov ayaa raaciyay. Ma bixin tafaasiil ku saabsan qaabka loosoo afjarayo.

Mas’uuliyiinta Ukraine ayaa sheegay in Moscow laga yaabo inay qorsheyso weerar militari dhammaadka bisha Janaayo, inkastoo saraakiisha sarre ee Mareykanka ay sheegeen inaysan weli caddayn in Mr Putin uu go’aan gaaray iyo in kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Israel u Weerartey Suuriya Gaar Ahaan Magaalada Dimishiq?

Weerarkan ayaa yimid kadib markii ay ciidamada dowladda Suuriya galeen gobolka…

  • Caalamka

    16-07-2025

  • 09:18PM

Masar oo Soo Dhawaysay Balanqaadka Trump ee xalinta Khilaafka Webiga Nile

Madaxweynuhu wuxuu si kulul u dhaliilay mashruuca biyo-xireenka Itoobiya, isagoo xusay in uu xannibayo biyihii webiga Nile.

  • Caalamka

    16-07-2025

  • 06:51AM