Wadaxaajoodkii ku aadanaa biyo-xireenka Itoobiya oo guuldarro ku soo idlaaday

Image

ADDIS ABABA, Itoobiya - Itoobiya ayaa dhaleeceyn u jeedisay Masar, kadib markii uu fashil ku soo idlaaday shirkii saddex geesoodka ahaa ee ku saabsanaa biyo-xireenka “Renaissance” kaas oo lagu qabtay Addis Ababa.

Itoobiya ayaa marti galisay wareegii labaad ee wada xaajoodka saddex geesoodka ah ee u dhexeeya Itoobiya, Suudaan iyo Masar intii u dhaxaysay Sebtembar 23 ilaa 24, 2023. Wareegga wadahadalka ayaa bilaabmay ujeeddadiisuna ahayd in horumar laga gaaro, laguna soo afjaro kala duwanaanshaha arrimaha taagan.

Sida laga soo xigtay war-murtiyeedka Itoobiya, dhinaca Masar ayaa riixay mawqif wax u dhimaya ku dhawaaqistii mabaadii'da ee ay labada dhinac kala saxeexdeen 2015, wada-xaajoodyaduna ma horseedin horumar la taaban karo oo laga gaaro arrinta biyo-xireenka.

Dhinacyada shirka ayaa isku raacay in la sii wado wada-xaajoodyada saddex geesoodka ah bisha Oktoobar 2023, laguna qabto caasimadda Masar Qaahira.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Sacuudiga oo hab cusub ku dhoofinaya shidaalka kadib cadaadiska Hormuz iyo Bab al-Mandab

Markab Sacuudigu leeyahay ayaa shidaalka kasoo qaada dekedaha Khaliijka, kadibna…

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 08:00AM

Kuuriyada Waqooyi oo diiday go’aan ka dhan ah barnaamijkeeda nukliyeerka

Wasaaradda ayaa Sabtidii sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay weligeed ahaan doonto quwad nukliyeer ah.

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 05:18AM