Wakiilka Israa’iil oo lambarka hogaamiyaha XMS ka taagay Golaha QM

Image
Inta uu socday kalfadhiga, 153 dal ayaa taageeray qaraarka Xabadjoojinta.

Qasa (GO) - Wakiilka Israa’iil ee Qaramada Midoobay, Gilad Erdan, ayaa kor u qaaday boor uu ku qoran yahay waxa uu ku sheegay lambarka taleefanka hoggaamiyaha Xamaas ee Marinka Qasa Yahya Sinwar.

Gilad Erdan ayaa ku kacay falkan intii lagu guda jiray fadhi uu yeeshay Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, kaas oo loogu talagalay in loo codeeyo qaraar ku baaqaya xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo marinka Qasa.

Inta uu socday kalfadhiga, 153 dal ayaa taageeray qaraarka, 10 ayaa diiday, 23 dal ayaana ka aamusay.

Wuxuu sheegay Erdan in haddii xubnaha Qaramada Midoobay ay rabaan "xabad joojin dhab ah, ay tahay inay la xiriiraan xafiiska Xamaas ee Qasa.

Waxa uu kor u taagay boor yar oo cad, oo ay ku qoran yihiin nambar uu sheegay in uu leeyahay Yahya Al-Sinwar iyo sawirkiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Guusha Ninka Muslim-ka ah ee noqday Duqa New York uga dhigan tahay Trump?

Tartanka ugu weyni wuxuu ahaa isaga iyo Andrew Cuomo, oo ahaa guddoomiyihii hore ee gobolka New York.

  • Caalamka

    05-11-2025

  • 08:01AM

Trump oo u amray Waaxda Difaaca inay “si degdeg ah” u bilowdo tijaabinta hubka nukliyeerka

Ololaha Caalamiga ah ee lagu baabi’inayo Hubka Nukliyeerka ayaa Ruushka ku tirinaya inuu haysto hubka nukliyeerka ugu badan.

  • Caalamka

    30-10-2025

  • 09:42AM