Walaalo dacwad la'aan xirnaa 20-sano oo xorriyadooda dib u helay

Image
bdul, 55-jir ah, iyo Mohammed Rabbani, 53-jir ah, ayaa dib ula midoobi doona qoysaskooda.

WASHINGTON, USA - Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in labo wiil oo walaalo ah oo u dhashay Pakistan lasii daayay kadib markii muddo labaatan sano ah ku xirnaayeen xabsiga Guantanamo Bay ayna dib ugu laabteen dalkooda.

Abdul, 55-jir ah, iyo Mohammed Rabbani, 53-jir ah, ayaa dib ula midoobi doona qoysaskooda, sidda ay sheegeen saraakiisha ammaanka iyo Senatar Pakistan kuwaasoo intaas ku daray in su'aalo la waydiiyey kahor sii deyntooda.

Labada wiil ee walaalaha ah ayaa Jimcihii gaaray garoonka diyaaradaha ee caasimadda Islamabad. Senator-ka Pakistan Mushtaq Ahmed Khan, oo ah guddoomiyaha guddiga xuquuqul insaanka ee aqalka sare ee baarlamaanka Pakistan, ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in labada walaalaha ah ay gaareen garoonka diyaaradaha ee Islamabad.

Maamulka madaxwaynihii hore ee Mareykanka, George Washington Bush, ayaa xabsiga Guantanamo Bay ka dhisay gudaha dala Cuba kadib weeraradii daaraha mataanaha ee Sebtembar 11, 2001.

Sii deyntan walaalahan oo ku xirnaa xabsigan iyaga oo aan dacwad lagu soo oogin ayaa timid bilo kadib markii 75 jir u dhashay Pakistan, Saifullah Paracha, laga sii daayay xabsiga Guantanamo Bay.

Labada nin ee walaalaha ah ayaa markii hore loo gudbiyay xabsiga Mareykanka ka dib markii saraakiisha Pakistan ay ku xireen magaalada Karachi ee ay ka yimaadeen sanadkii 2002.

Saraakiisha Mareykanka ayaa labadan ku eedeeyay inay xubnaha Al-Qaacida ka caawinayeen guryo iyo taageerooyin kale oo hoose. Balse ma aysan bixin fahfaahin dheeraad ah.

Walaalaha ayaa sidoo kale waxaa la sheegay in ay jirdil kula kulmeen xabsiga CIA ka hor inta aan loo gudbin Guantanamo. Saraakiisha Ameerikaanka ayaan ka jawaabin eedeymahan.

Diiwaanada milatariga Maraykanku waxay caddeeyeen labadooda inay dusiyeen macluumaad sirdoon yar oo qiimo leh ama ay ka noqdeen hadaladii la duubay intii lagu jiray su'aalaha la waydiiyey sababo salka ku haya jirdilka lagula kacay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudi Carabiya iyo Israa’iil oo ku dhow inay gaaraan heshiis

Dawladaha carabta ayaa riixaya in la dhiso dowlad Falastiin taa beddelkeedana ay aqoonsan doonaan Israa’iil.

  • Caalamka

    30-04-2024

  • 06:45AM

Shiinaha oo hawada sarre ka baadi-goobaya ciid iyo dhagxaan

NASA waxa ka mamnuuc ah sharciyan in ay wax wada shaqayn ah, mid toos ah ama mid dadban, la yeelato Shiinaha.

  • Caalamka

    30-04-2024

  • 04:15AM