Waqooyga Qasa oo qarka u saaran Macluul

Image
Israa’iil ayaa wali xadidaysa in gargaar loo fidiyo dadka ku sugan Qasa.

Qasa (GO) - Agaasimaha UNICEF Catherine Russell ayaa digniintii ugu dambeysay ee Qaramada Midoobay ku xaqiijisay in macaluul ay ku soo fool leedahay waqooyiga Qaza.

Waxay sidoo kale ku qortay barteeda “X” maanta oo Isniin ah, in carruurtu ay u dhimanayaan nafaqo-daro. Waxayna intaasi ku dartay:

"Hay'adaha gargaarka waa inay awood u yeeshaan in carruurta iyo qoysaska meel kasta kaga sugan Qasa la gaarsiiyo gargaar.”

Israa’iil ayaa wali xadidaysa in gargaar loo fidiyo dadka ku sugan Qasa, xilli ayaa sii xumaanaysa xaaladda bini'aadantinimo ee ka taagan waqooyiga Qassa iyo guud ahaan marinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM