Warar laga faafiyey caafimaadka Recep Tayyip Erdoğan oo la beeniyay

Image
Madaxweynaha Turkiga ayaa Arbacadii ku dhawaaqay inuu qaadan doono nasasho maalinle ah taasoo tuhun dhalisay.

ANKARA, Turkey - Madaxweyne ku xigeenka waddanka Turkiga, Fuat Oktay, ayaa waxa uu ku gacan seyray wararka sheegaya in madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan uu ku jiro xaalad caafimaad oo halis ah.

“Xaaladda caafimaad ee madaxweynaha runtii aad ayay u wanaagsan tahay, si joogto ah ayaan ula xiriirnay," ayuu yiri Oktay, isaga oo intaa ku daray in Erdoğan uu sii wadi doono gudashada waajibaadkiisa.

Agaasinka Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Madaxtooyada Turkiga ayaa sidoo kale waxa uu diiday sheegashada ah in madaxweynaha uu wadno xanuun ku dhacay.

Ciwaanka Twitter-ka ee xafiiska ayaa lasoo dhigay qaar kamid ah shaqsiyaadka iyo hay'adaha warbaahinta ee faafiyey macluumaadka ku saabsan in uu xanuunsanayo Erdogan.

Erdogan ayaa, sidda ay tabisay Daily Sabax, waxa uu Arbacadii todobaadkan sii dhamaanaya waxa uu ku dhawaaqay inuu qaadan doono nasasho maalinle ah kadib markii calool-xanuun uu dareemay Talaadadii.

"Waan nasan doonaa sida ay ku taliyaan dhakhaatiirta, madaxweyne ku xigeenka Fuat Oktay ayaa ka qaybgeli doona barnaamijyada aan qorsheynayo maanta," ayuu ku yiri Twitter-kiisa.

Madaxweynaha Turkiga ayaa lagu waday in uu ka qeyb galo xaflado kala duwan oo lagu furayo gobolada dhexe ee Kırıkkale, Yozgat iyo Sivas, waxaana uu khudbad u jeedinayaa dadwayne isugu soo baxay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM