Wariye caan ah oo lagu toogtay bartamaha Amsterdam

Image
Image

AMSTERDAM, Holland - Weriye caan ah oo u dhashay dalka Holland oo ka warama dambiyadda ayaa si xun loo dhaawacay kadib markii lagu toogtay wado ku taal magaalada Amsterdam.

Booliska ayaa sheegay in Peter R de Vries loo qaaday isbitaal xaaladdiisana aad ay u liidato ka dib markii lagu toogtay bartamaha magaalada fiidnimadii Talaadada.

Warbaahinta Qaranka ee NOS ayaa sheegtay in la weeraray daqiiqado kadib markii uu ka soo muuqday barnaamij TV. Video ayaa muujiyay isaga oo jiifa dhulka iyadoo dhaawac uu kaga yaalo madaxa.

NOS ayaa soo xigatay dad goob joogayaal ah oo sheegaya "in shan xabadood Mr de Vries looga soo gannay goob aad ugu dhaweyd ay kaga dhacdey dhanka madaxa".

Xilliyadii hore, Mr de Vries waxaa wehlin jirtay ilaalo bilays ah kadib markii loo hanjabay ku lug lahaanshihiisa kiisaska ciqaabta sida wariye baaris iyo maxkamadeyn.

Duqa magaalada Amsterdam Femke Halsema ayaa sheegay inuu "u halgamayo naftiisa" wuxuuna cambaareeyay toogashadiisa oo uu ku tilmaamay "naxariis darro, weerar aan qalbi lahayn".

Booliska ayaa tilmaamay in seddex ruux loo qabtay dilka toogashada, oo dhacay abbaare 19:30 waqtiga maxaliga ah (18:30 BST) isla markaana ay baaritaano ku bilaabeen.

Laba tuhmane ayaa lagu qabtay baabuur waddo A4 ah gudaha magaaladda Leidschendam, iyo mid saddexaad oo laga qabtay Amsterdam, iyadoo la rumaysan yahay in dableyda uu kamid ahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM