Warqado sir ah oo kashifay qorshe Mareykanka u degay Carafaat

Image
Madaxweynihii hore ee Ameerika, George Washington Bush, ayaa lagu waramay in uu amray talaabadan.

WASHINGTON, USA - Waraaqo cusub oo sir ah oo lagu soo bandhigay dalka Britain ayaa muujinaya in madaxweynihii hore ee Maraykanka George Washington Bush uu isku dayay in uu xilka ka tuuro hoggaamiyihii hore ee reer Falastiin Yaasir Carafaat sanado ka hor inta uusan dhiman.

Dukumiintiyadan oo dowladda Britain u kaydsanaa, kuna saabsan wadahadal dhanka taleefoonka ku dhexmaray Bush iyo Blair oo ahaa Ra'iisul Wasaarihii UK ayaa caddeeyay in Bush uu hay’adda sirdoonka CIA-da ku amray in ay raadiyaan qofkii badeli lahaa Carafaat.

Waxa la sheegay in Bush iyo Blair ay isku afgarteen in Carafaat uu noqday nin da’diisa weynatay, oo uusan wax nuxur leh kusoo kordhin karin qaddiyadda Falastiin iyo Israa’iil, kaliyana uu isku dayayo sidii uu xilka kusii joogi lahaa.

Arrinkan ayaa dhacay wixii ka dambeeyay markii ay fashilmeen wadahadaladdii Camp David ee dhexmarayay Carafaat iyo Ehud Barak oo ahaa Ra'iisul Wasaarihii Israaiil.

Madaxweyne Bush ayaa la sheegay in uu wacay Carafaat, kana codsaday in uu joojiyo kacdoonkii Intifaadada ee Labaad, balse Carafaat uu taasi samayn waayay, dhalisayna in Maraykanka uu ka fikiro isbadel lagu sameeyo hoggaanka sare ee Falastiiniyiinta.

Maraykanka ayaa xilligaasi is hortaagay qaraar Golaha Ammaanka oo fasixi lahaa in ciidamo kormeer ah oo Qaramada Midoobay la geeyo Daanta Galbeed.

Carafaat ayaa dhintay bishii Nofeembar, 2004-tii sababo la xiriira cudur daran oo markii la baaray la ogaaday in uu ka qaaday sun halis ah oo laga heley dharkiisa. Shacabka Carabta ayaa ku eedeeyay maamulka Israa’iil in ay iyada ka dambeysay dilka Carafaat, balse Israa’iil waa ay diiday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: "Israa'iil dambe ma weerari doonto xarumaha gaaska ee Iran."

Digniintii adkayd ee ka timid Riyadh oo sheegtay in "dulqaadkii Khaliijka ee weerarada Iran uu dhammaaday."

  • Caalamka

    19-03-2026

  • 11:05AM

Senate-ka Mareykanka Oo Diiday Xeer Lagu Xaddiday Awoodda Trump ee Dagaalka Iran

Hoggaamiyaha Dimuqraaddiga ee Senate-ka Chuck Schumer ayaa ka hor codeynta sheegay in aysan caddayn ujeeddooyinka dagaalka.

  • Caalamka

    19-03-2026

  • 10:52AM