Wasiir ahaa teegeere u jajaban Ruushka oo geeriyooday

Image
Mas'uulkan ayaa xilkan sarre waxa uu haayay tan iyo 2012-kii isaga oo maarayaay qadiyado dhowr ah.

LONDON, United Kingdom - Wasiirka arrimaha dibadda ee waddanka Belarus ayaa si lama filaan ah u dhintay, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Belta Sabtidii, laba maalmood ka hor markii uu doonayay inuu la kulmo dhiggiisa Ruushka.

"Wasiirka arrimaha dibadda Vladimir Makei ayaa si lama filaan ah u geeriyoodey," Belta ayaa sidaas sheegtay iyada oo aan faahfaahin dheeraad ah bixin. Makei waxa uu xilka hayay tan iyo 2012.

Makei, oo 64 jir ah, ayaa ka qayb galay shir ay isugu yimaaddeen Ururka Nabadgelyada Wadajirka ah (CSTO) - isbahaysi milatari oo ka kooban dhowr dawladood oo ka tirsanaa Soviet-ka.

Kulankaas soo jiitay indhaha caalamka ayaa waxa uu ka dhacay Yerevan horaantii toddobaadkan waxaana lagu waday inuu la kulmo dhiggiisa Ruushka Sergei Lavrov Isniinta.

Kahor doorashadii madaxtinimo iyo mudaaharaadyadii dawladda lagaga soo horjeeday ee ka dhacay Belarus sanadka 2020, Makei waxa uu ahaa mid ka mid ah hindiseyaashii dadaallada lagu wanaajinayo xiriirka Belarus ee reer galbeedka oo uu dhaleeceeyay Ruushka.

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu si lama filaan ah u bedelay mawqifkiisii ​​ka dib markii uu mudaaharaadku bilaabmay, isaga oo sheegay in ay ku dhiiradeen wakiilada reer galbeedka.

Ka dib duulaanka Ruushka ee Ukraine wuxuu bilowday bishii Febraayo, Makei, oo ah taageere xiriirka Moscow iyo Minsk, wuxuu xusay in reer galbeedku ay kiciyeen dagaalka ayna tahay in masuuliyiinta Ukraine ay ogolaadaan shuruudaha nabada ee Ruushka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo wajahaya cadaadis sii xoogeysanaya, isagoo ka fiirsanaya iscasilaad

Starmer ayaa muddooyinkii dambe wajahaya hoos u dhac ku yimid taageeradiisa, qaladaad dhanka siyaasadda ah iyo fadeexado isa soo tarayay.

  • Caalamka

    21-06-2026

  • 03:26PM

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM