Wasiir Israa’iili ah oo sheegay in heshiiska Sacuudiga iyo Israa’iil uusan ku xirneyn dhismaha dowlad Falastiini ah

Image
Wasiirka ayaa sheegay in walaaca amniga ee la xiriira Iran uu ka miisaan culus yahay shuruudaha kale ee Riyadh.

Qasa (GO) - Wasiirka Tamarta ee Israa’iil Eli Cohen ayaa sheegay heshiiska Israa’iil iyo Sacuudiga uu dhici karo xitaa haddii Israa’iil ay diiddo in ay u dhaqaaqdo dhismaha dowlad Falastiini ah.

Wareysi uu siiyay “Times of Israel”, Cohen waxa uu sheegay in walaaca amniga ee la xiriira Iran uu ka miisaan culus yahay dalabaadka Riyadh ee ah in xalka labada dal {Falastiin & Israa’iil] uu qayb ka noqdo heshiiska labada dhinac.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in heshiiskaas uu suurtagal yahay, isagoo intaa ku daray, "Dagaalkii 7-dii Oktoobar wuxuu iftiimiyay xaqiiqda ah in Sacuudi Carabiya ay u baahan tahay nabaddan sida Israel ay ugu baahan tahay, haddii aysan ka badnayn."

Isaga oo tixraacaya weerarkii 2019-kii lagu qaaday labada xarumood ee shidaalka “Abqaiq” iyo “Khurais”, wasiirka ayaa yiri: "Yaa weeraray Sacuudi Carabiya 4 sano ka hor? waa Iran iyo Xuutiyiinta."

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri: “Dawlad falastiini ah waa wax aanan arkayn in ay dhacayaan, waayo Israa’iil mar bay ka baxday Qasa, waxayna maanta isu rogtay dawlad argagixiso oo ay maamusho Xamaas”.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM