Wasiir Israa’iili ah oo sheegay in heshiiska Sacuudiga iyo Israa’iil uusan ku xirneyn dhismaha dowlad Falastiini ah

Image
Wasiirka ayaa sheegay in walaaca amniga ee la xiriira Iran uu ka miisaan culus yahay shuruudaha kale ee Riyadh.

Qasa (GO) - Wasiirka Tamarta ee Israa’iil Eli Cohen ayaa sheegay heshiiska Israa’iil iyo Sacuudiga uu dhici karo xitaa haddii Israa’iil ay diiddo in ay u dhaqaaqdo dhismaha dowlad Falastiini ah.

Wareysi uu siiyay “Times of Israel”, Cohen waxa uu sheegay in walaaca amniga ee la xiriira Iran uu ka miisaan culus yahay dalabaadka Riyadh ee ah in xalka labada dal {Falastiin & Israa’iil] uu qayb ka noqdo heshiiska labada dhinac.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in heshiiskaas uu suurtagal yahay, isagoo intaa ku daray, "Dagaalkii 7-dii Oktoobar wuxuu iftiimiyay xaqiiqda ah in Sacuudi Carabiya ay u baahan tahay nabaddan sida Israel ay ugu baahan tahay, haddii aysan ka badnayn."

Isaga oo tixraacaya weerarkii 2019-kii lagu qaaday labada xarumood ee shidaalka “Abqaiq” iyo “Khurais”, wasiirka ayaa yiri: "Yaa weeraray Sacuudi Carabiya 4 sano ka hor? waa Iran iyo Xuutiyiinta."

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri: “Dawlad falastiini ah waa wax aanan arkayn in ay dhacayaan, waayo Israa’iil mar bay ka baxday Qasa, waxayna maanta isu rogtay dawlad argagixiso oo ay maamusho Xamaas”.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weerar lagu qaaday masaajid ku yaalla Pakistan oo dilay ugu yaraan 16 qof

Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa lagu dhuftay afaafka masaajid ku dhex yaalla…

  • Caalamka

    18-09-2026

  • 11:52AM

Mareykanka oo ansixiyey qorshe $24.3 bilyan oo diyaaradaha F-35 ah looga iibinayo Sacuudi Carabiya

Qorshaha hubka ayaa soo baxay iyadoo Xuutiyiintu si weyn u kordhiyeen…

  • Caalamka

    18-09-2026

  • 02:09AM