Wasiir isu-casilay toogasho ka dhacdey iskuul oo galaafatay 9 qof

Image
Lix arday oo kale iyo haweeney macalimad ahayd ayaa lagu waramay in ay ku dhaawacmeen falkan.

ANKARA, Turkey - Wasiirka waxbarashada Serbia, Branko Ruzic, ayaa Axadii ku dhawaaqay in uu is-casilay kadib toogasho ka dhacday iskuul todobaadkan halkaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan sagaal qof.

"Waxaan u gudbiyay istiqaalad aan ka noqosho lahayn oo ah in uu iska-casilay xilka wasiirka waxbarashada ee dowladda Serbia," ayuu Ruzic ku yiri warqad uu u diray Ra'iisul Wasaare Ana Brnabic.

Ruzic oo cadaadis wajahayey tan iyo markii toogashadda ay dhacdey ayaa waxa uu sheegay in uu afka ka dhiibtay istiqaaladiisa islamarkiiba maalin kadib masiibada dhacday.

Sideeda arday iyo askari ilaalo ah ayaa la dilay markii wiil dhalinyaro ah la sheegay in uu rasaas ku furay iskuul ku yaala caasimadda Belgrade, sida ay mas'uuliyiin sheegeen Arbacadii.

Lix arday oo kale iyo haweeney macalimad ah ayaa ku dhaawacmay falkan, kaasoo ka dhacay dugsiga hoose dhexe ee Vladislav Ribnikar abaarihii 8.40 subaxnimo ee xilliga maxalliga ah (0640GMT), sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha.

Eedeysanaha oo 14-jir ah, oo magaciisa lagu soo koobay K.K, ayaa la xiray, sida ay Wasaaraddu sheegtay. Hase ahaatee, ma bixin laamaha ammaanka fahfaahin ku saabsan sababta ka dambeysay toogashada.

Toogashadan ayaa si weyn waxay usoo jiidatay indhaha warbaahinta caalamka, waxaana ay dhalisay dood ku saabsan bad-qabka ardayda dhigata iskuuladda Serbia kuwaasoo qudhooda walbahaarka aad u muujiyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM