Wasiir loo maxkamadeynayo inuu xannibay Muhaajiriin

Image

PALERMO — Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Talyaaniga ahna hoggaamiyaha midigta-fog Matteo Salvini ayaa shalay maxkamad lasoo taagay sababo la xiriira tuhun ku saabsan inuu xanibaad sharci-darroo ah ku sameeyey in 147 qof oo muhaajiriin ah laga soo djeiyo markab soo bad-baadiyey, islamarkaana uu xaalad liidata ku hayey.

Salvini ayaa ka qeyb-galay dhageysiga furitaanka makxamadda ee magaalada Palermo ee gobolka Sicily.

Salvini oo hoggaamiya xisbiga midigta-fog ee League, islamarkaana caan ku ah siyaasaddiisa “Marka hore Talyaaniga” ayaa lagu soo oogay dacwado ay ka mid yihiin afduub iyo ku xadgudub awood xafiis, isaga oo u adeegsaday xilkiisa wasiirka arrimaha gudaha inuu 147 muhaajiriin ah ku xabisay badda, bishii August 2019.

Salvini oo 48 jir ah ayaa sheegay in go’aankaas uusan aheyn mid uu kaligiisa gaaray balse ay isku raacday dowladda oo dhan, oo uu ku jiro ra’iisul wasaarihii xilligaas Giuseppe Conte.

Dacwad-oogayaasha ayaa dalbaday marqaatiyaal ay ku jiraan Conte, wasiirka arrimaha gudaha iminka Luciana Lamorgese iyo wasiirka arrimaha dibadda Luigi Di Maio.

Salvini ayaa soo tweet gareeyey sawirkiisa isaga oo dhex jooga maxkamadda.

“Halkani waa maxkamadda xabsiga Palermo. Maxkamadeynta ay doonayaan kooxaha bidixda iyo taageerayaasha muhaajiriinta sharci-carrada ah ayaa billaabatay. Imisa lacag ayaa uga bixi doonta shacabka Talyaaniga,” ayuu yiri.

Dibadda maxkamadda, ayaa aas-aasaha iyo agaasimaga hay’adda Spanish-ka ah ee Open Arms oo maamuleysay markabka wuxuu sheegay in maxkamadda aysan dhiiri-gelin siyaasad.

“Badbaadinta dadka ma ahan dambi, balse waa waajib aan saarneyn kaliya kabtanada maraakiibta balse sidoo kale dal oo dhan,” ayuu yiri Oscar Camps.

AFP

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha dalalka Muslim-ka oo ku Shiraya Doha si ay uga Jawaabaan Duqeyntii Israa’iil ee Qatar

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii si mid ah u cambaareeyay weerarka Israa’iil ku qaaday Qatar.

  • Caalamka

    14-09-2025

  • 10:37AM

Haweeneydii Ugu Horreysay oo Ra’iisul Wasaare ka Noqotay Nepal Kaddib Kacdoonkii Ka Dhanka Ahaa Musuqmaasuqa

Maalintii Talaadada, dad careysan ayaa dab qabadsiiyay dhismayaal dowladeed iyo xarunta baarlamaanka.

  • Caalamka

    13-09-2025

  • 05:34AM