Wasiir shaqadda looga eryay in uu dhaleeceeyay dalkiisa

Image
Wasiirka shaqadda laga eryay ee caafimaadka Tunisa, Faouzi Mehdi [File photo]

TUNIS, Tunisa - Ra'iisul wasaaraha Tunisia, Hichem Mechichi, ayaa shaqada ka ceyriyay wasiirkii caafimaadka Faouzi Mehdi iyada oo ay sii kordhayaan kiisaska Coronavirus ee wadankan dhaca waqooyiga Afrika.

Mehdi ayaa horaantii bishaan wuxuu tibaaxay in nidaamka caafimaadka Tunisia uu "ku burburay" culeyska fayruskan faafa, kaasoo sababay in ka badan 17,000 oo geeri ah ooo kamid ah 12-ka milyan dalkaas ku nool.

Xafiiska Mechichi ayaa ku dhawaaqay Mehdi ceyrintiisa kadib war-saxaafadeed kooban oo uu soo saaray Talaadadii, isagoo aan sheegin sababta dhabta ah ee ka dambeysa talaabadaas.

Bayaanka ayaa lagu caddeeyay in wasiirka arrimaha bulshada Mohamed Trabelsi uu madax ka noqon doono wasaaradda iyaddoo aan la bayaamin mudada uu jagadaas sii hayn doono.

Mehdi wuxuu bilaabay furitaanka kumeelgaarka ah ee xarumaha talaalka dhamaan dadka reer Tunusia oo ka weyn 18 jir Talaadada iyo Arbacada, taasoo horseeday faafitaan horleh.

Wasaaraddu ayaa waxay ka xaddiday helitaanka tallaalka dadyowga da'doodu ka weyn tahay 40 jir Arbacadii si looga fogaado mawjado cusub oo la xiriira faafitaanka caabuqa.

Shaqo ka joojinta Mehdi waa tusaale kale oo xasilooni daro ah kana dhex jirta dowlad soo aragtay dhowr wasiir oo isku casilay xiisada ka dhex taagan baarlamaanka iyo madaxtooyada.

Axadii, Tunisia ayaa waxay soo warisay 117 dhimasho cusub oo Coronavirus ah iyo 2,520 xaaladood oo cusub, taasoo wadarta kiisaska la diiwaan-geliyey ka dhigeysa in ka badan nus milyan guud ahaan dalkan Carbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ka fiirsanaya weerar Iran iyo Vance diiddan dagaal sanado qaadanaya

Vance ayaa xusay in madaxweynaha Donald J. Trump uu weli ka fiirsanayo dhammaan fursadaha weerarka Iran.

  • Caalamka

    27-02-2026

  • 11:02AM

Maraykanka oo dalbaday in la xiro saddexda xarun ee ugu waaweyn Nukliyeerka Iran

Xiisadda ayaa sii kordheysa, iyadoo Donald Trump uu horey uga digay in haddii wadahadaladu fashilmaan.

  • Caalamka

    26-02-2026

  • 07:35PM