Wasiirka Amniga Israa’iil oo dalbaday in Falastiiniyiinta laga celiyo in ay ku tukadaan Masjidka Al-Aqsa

Image
Go'aankan ayaa la soo jeediyay in uu dhaqan galo bisha Ramadaan.

Qasa (GO) - Wasiirka Amniga Israa’iil Itamar Ben Gvir ayaa ku baaqay in laga hortago in Falastiiniyiinta ay ku tukadaan Masjidka Al-Aqsa inta lagu guda jiro bisha Ramadaan, oo curanaysa qiyaastii 3 toddobaad gudahood.

Wasiirka midiga-fog ayaa Sabtidii ku yiri akoonkiisa ee barta “X”, : “Ma xamili karno wax khatar ah. Dadka degan dhulka Falastiin waa in aan loo ogolaan in ay gudaha usoo galaan Israa’iil inta lagu jiro bisha Ramadaan”.

Ben Gvir ayaa raaciyay: "Haweenka iyo carruurtu Israa’iil maxaabiis kuma sii noqon karaan Qasa, mana yeeleyno in XMS ay dabaaldegyada guusha ku qabtaan Al-Aqsa.”

Hadalka Ben Gvir ayaa ku soo beegmaya maalin ka dib markii taleefishinka Israa’iil uu ku dhawaaqay in wasiirku uu cadaadis saarayo si uu uga hortago Falastiiniyiinta inay galaan Al-Aqsa inta lagu jiro bisha Ramadaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bin Salmaan oo ku riixaya Trump sii wadista dagaalka Iiraan, iyadoo laga cabsi qabo khataraha gobolka

Waxaa jira walaac sii kordhaya oo ka dhex jira saraakiisha Mareykanka iyo Sacuudiga…

  • Caalamka

    24-03-2026

  • 04:57PM

Iran oo sheegtay inay sii wadeyso Dagaalka "Illaa Guusha Laga Gaarayo" iyo Pakistan oo Dadaal Nabadeed Bilowday

Hadalka Sharif ayaa ku soo beegmay xilli weerarro culus ay ka dhacayaan gobolka, iyadoo qiiq laga arkay bartamaha Tel Aviv.

  • Caalamka

    24-03-2026

  • 02:34PM