Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo gaarey Qatar
DOHA – Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Cabbaas Araghchi, ayaa gaaray caasimadda Qatar ee Dooxa si uu uga tacsiyeeyo geerida Amiirkii hore ee dalkaas, Sheekh Xamad bin Khaliifa Aal Thaani.
Sida lagu sheegay bogga rasmiga ah ee Telegram-ka Araghchi iyo warbaahinta dowladda Iiraan, wasiirka ayaa booqashadiisa ku muujinaya tacsida uu u sido dowladda iyo shacabka Qatar kadib geerida amiirkii hore.
Inta uu ku sugan yahay Dooxa, Araghchi ayaa sidoo kale la filayaa inuu kulamo la yeesho mas'uuliyiinta sare ee Qatar si ay uga wada hadlaan xiriirka labada dal iyo arrimo kale oo gobolka khuseeya.
Sheekh Xamad bin Khaliifa Aal Thaani ayaa geeriyooday Axaddii, waxaana dowladda Qatar ku dhawaaqday afar maalmood oo baroordiiq qaran ah.
GAROWE ONLINE