Wasiirka arrimaha dibadda Maraykanka oo ku wajahan Israa’iil

Image

WASHINGTON - Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka Matthew Miller ayaa sheegay in xoghaye Anthony Blinken uu u safri doono Israa’iil Arbacada si uu ula kulmo madaxdeeda sare, ka dib weerar aan horay loo arag oo ay ku qaadeen ururka Xamaas.

Miller ayaa ku yiri shir jaraa'id: "Wuxuu doonayaa inuu ka maqlo hoggaamiyeyaasha Israa'iil, inuu si toos ah uga dhagaysto xaaladda ay wajahayaan, waxa ay u baahan yihiin iyo sida ugu wanaagsan ee aan u taageeri karno.”

Miller waxa uu intaa ku daray in Blinken uu iman doono Israel Khamiista, ka dibna uu aadi doono Urdun si uu ula kulmo madaxda dalkaas.

Xamaas ayaa Sabtidii weerar lama filaan ah ku qaaday Israa’iil, halkaas oo ay ku dishay 1,200 oo Israa’iiliyiin ah, tobanaan kalena ay qafaasheen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM