Wasiirka Arrimaha Gudaha Turkiga oo ka hadlay masaafurinta Suuriyaanka

Image

ANKARA - Wasiirka arrimaha gudaha ee Turkiga, Ali Yerlikaya, ayaa maanta sheegay in laamaha ammaanku ay wadaan olole ay ku tarxiiliyan muhaajiriinta aan sharciga heysan ee ku sugan dalkaasi, isagoo beeniyay in ololahaasi uu yahay mid ka dhan ah Suuriyaanka.

Yerlikaya ayaa sheegay mar uu magaalada Istanbul kula kulmay wariyeyaal carab ah in dowladdiisa ay si adag ula macaamileyso dadka sifad sharci darro ah dalka ku soo galay ama kuwa aan heysan warqadaha degenaanshaha sharciga ah ee Turkiga.

Waxa uu daaha ka qaaday in ilaa 100 kun oo qof ay sannadihii u dambeeyay ka soo tallaabeen xuduudka Turkiga, iyaga oo si sharci darro ah u jooga dalka. Yerlikaya ayaa sheegay in ololaha amniga ee socda uu bartilmaameedsanayo kuwaas oo kaliya.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in ajaaniibta ku nool Turkiga ee wata dukumentiyada aqoonsiga sida: deganaanshaha dalxiiska, deganaanshaha shaqada ama degenaanshaha waxbarashada aysan wax dhib ah la kulmin.

Wasiirka ayaa sheegay in ay ka go’an tahay ilaalinta iyo taageeridda dadka Suuriyaanka ah si la mid ah sidii ay ugu adeegi lahaayeen muwaadiniinta Turkiga.

Dhawaan waxaa la faafiyay muuqaalo muujinaya ciidamada ammaanka ee Turkiga oo si qasab ah u tarxiilaya muhaajiriin ka soo jeeda dalka Suuriya. taasoo caro xooggan ku abuurtey muwaadiniinta dalalka carbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM