Wasiirka Dalxiiska Israel oo soo gaaray Boqortooyada Sacuudiga

Image

RIYAAD - Xafiiska Wasiirka Dalxiiska Israel ayaa sheegay in Wasiir Haim Katz uu u safray Sacuudiga si uu uga qeyb galo shir ay maanta qabaneyso Qaramada Midoobay.

Wasaaradda Dalxiiska ee Israa’iil ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Katz uu yahay wasiirkii ugu horreeyay ee taga Sacuudiga, iyadoo xustay inuu ka qeybgeli doono shir ka dhici doona magaalada Riyaad ee xarunta Qaramada Midoobay ee Dalxiiska Adduunka.

Katz ayaa yiri: "Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii aan u abuuri lahaa iskaashi si kor loogu qaado dalxiiska iyo xiriirka dibadda ee Israel,"

Sida laga soo xigtay xafiiska wasiirka, Katz ayaa loo qorsheeyay in uu kulamo la yeesho "wasiiro", iyada oo aan la sheegin dalalka ay kasoo jeedaan shirarkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM