Wasiirka Difaaca Britain oo cambaareeyay hadal ka soo yeeray Netanyahu

Image
Wasiirka ayaa ku tilmaamay hadalka Netanyahu war niyad-jab ah.

London (GO) - Xoghayaha Difaaca Britain, Grant Shapps, ayaa Axaddii sheegay in hadalka Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu ku diiday “Qarannimada Falastiin” ay yihiin kuwo niyad-jab ah.

Shapps ayaa yiri, "Waa wax laga xumaado hadalka Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil, Britain waxay dooneysaa oo kaliya in la dejiyo khilaafka Israel iyo Falastiin oo ay noqdaan laba dal oo deris ah.”

Dhankiisa, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa carabka ku adkeeyay intii lagu guda jiray shir madaxeedka Isbaheysiga dhexdhexaadka ah (NAM) in qof kasta ay tahay inuu aqoonsado xaqa ay dadka Falastiiniyiinta u leeyihiin inay dhistaan ​​dawladooda.

"Tani waxay si aan xad lahayn u sii dheeraynaysaa iska horimaadka halista ku nabadda iyo ammaanka caalamka, taasoo uga sii dhiirigelin doonta xagjiriinta adduunka," ayuu raaaciyay Guterres.

Isbaheysiga dhexdhexaadka ah (NAM) ayaa bayaankoodii ugu dambeeyay, ku sheegay: “Isbaheysiga wuxuu si adag u cambaareeyay gardarrada milatariga Israel ee ka dhanka ah Marinka Gaza, wuxuuna ku baaqaya xabad joojin bini'aadantinimo oo joogto ah.”.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM