Wasiirka Difaaca Ingiriiska oo booqasho ku tagi doono Falastiin

Image
Dowladda Ingiriiska ayaa booqashadan diirada ku saari doonto kordhinta gargaarka la siinayo dadka Qasa.

LONDON (GO) - Dowladda Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday in Xoghayaha Difaaca Grant Shapps uu booqan doono Isreal iyo Daanta Galbeed todobaadkan si uu ugala hadlo sidii loo kordhin lahaa gargaarka la gaarsiiyo Marinka Qasa.

Dowladda Ingiriiska ayaa bayaan ku sheegtay in booqashada diirada lagu saari doono kordhinta gargaarka la siinayo dadka rayidka ah ee ku sugan marinka Qasa & taageerada maamulka Falastiiniyiinta”.

Shapps ayaa yiri, sida laga soo xigtay mareegaha dowladda: "Waxaan si buuxda u taageersanahay xaqa ay Israa'iil u leedahay inay is difaacdo, laakiin waxaa muhiim ah in dagaalka ay kula jirto argagixisada Xamaas uu waafaqo sharciga caalamiga ah.”

Waxaa uu intaas raaciyay: "Waxaan 1,000 askari oo dheeraad ah geynay Bariga Dhexe, iyo ciidamadeenu waa joogaan si ay u taageeraan dadaallada gargaarka bini'aadantinimo, gacanna ka geystaan ​​xasilinta gobolka."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM