Wasiirka Difaaca Sacuudiga oo la kulmay wafdigii Sanca

Image

RIYADH, Sacuudiga - Wasiirka Difaaca Sacuudiga Khaalid Bin Salmaan ayaa la kulmay wafdiga Sanca oo ka socda Xuuthiyiinta oo soo gaaray Riyadh 5 maalmood ka hor.

Wakaalladda Wararka Sacuudiga ayaa sheegtay in intii uu socday kulankaasi lagu xaqiijiyay in Boqortooyada Sacuudiga ay sii wadi doonto garab istaagga Yemen, isla markaana ay si joogto ah ugu dhiiraneyso in dhinacyada Yemen ay soo fariistaan ​​miiska wada hadalka.

Qoraalka Wakaalladda Wararka Sacuudiga ayaa ku baaqay in laga shaqeyeeo xal siyaasadeed oo dhameystiran oo waara, kaasoo ay kormeereyso Qaramada Midoobay, iyo in Yemen loo raro horumar waara oo ay helaan dadka walaalaha ah ee Yaman.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa soo dhaweysay natiijada wanaagsan ee ka soo baxday wadahadaladii ku saabsanaa in la gaaro khariidad lagu taageerayo geeddi-socodka nabadda ee Yemen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM