Wasiirkii hore ee Imran Khan oo xabsiga loo taxaabay

Image

ISLAMABAD, Pakistan - Boliska Pakistan ayaa xabsiga u taxaabay Sheekh Rashiid Axmed, oo ahaa wasiirkii hore ee arrimaha gudaha ee xukuumaddii Ra’iisul Wasaarihii hore Imran Khan kaas oo ku edeesan musuqmaasuq.

Qareenka u doodaya Sheekh Rashiid ayaa wargeyska “Dan” u sheegay in rag ku labisan dhar rayid ah ay ka soo qabteen wasiirkii hore gurigiisa oo ku yaala magaalada “Rawalpindi” fiidnimadii Axada, islamarkaana ay geeyeen meel aan la garanayn.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa X (oo hore u ahaan jirtay Twitter), xisbiga PTI ayaa cambaarayay xariga Rashiid, isaga oo ku tilmaamay talaabadan xad-gudub siyaasadeed iyo faashisnimo.

Imran Khan, ayaa isna wajahaya kiisas badan oo isaga ka dhan ah, laga soo bilaabo argagixisanimo ilaa isku day dil iyo lacago la dhaqay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM