Website-yada dowlada iyo xeerdejinta Ukraine oo "la jabsadey"

Image
Mas'uuliyiinta Ukraine ayaa sheegay in todobaadkan ay arkeen digniino dhanka internetka ah

KYIV, Yukreen - Dhowr website oo ay leedahay dowladda Yukreen, oo ay ku jiraan kan xukuumadda iyo wasaaradda arrimaha dibadda, ayaa hawada uga maqan wax loo malaynayo in la jabsadey.

Mas'uuliyiinta Ukraine ayaa sheegay in todobaadkan ay arkeen digniino dhanka internetka ah oo sheegaya in tuugo ay isku diyaarinayeen inay weeraro waaweyn ku qaadaan hay’adaha dowladda, bangiyada iyo waaxda difaaca.

Ukraine ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa ka dhacay weeraro dhanka Internetka ah oo Kyiv ay ku eedeysay Ruushka. Moscow ayaa beenisay inay wax lug ah ku leedahay dhacdooyinka.

Ukraine ayaa ku dhawaaqday xaalad degdeg ah oo dalka oo dhan ah iyadoo laga cabsi qabo dagaal. Kyiv ayaa kula talisay muwaadiniinteeda inay kasoo baxaan gudaha waddanka Ruushka.

Moscow waxay wajahayaan cunaqabatayn saameyn doonta boqolaal Ruush ah sababo la xiriira talaabada Vladimir Putin uu 'Jamhuuriyad' ugu aqoonsadey dalal ku yaala bariga Ukraine.

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa sheegay in danaha dalkiisa ay yihiin "aan laga gorgortami karin" balse Kremlin-ka waxay sheegtay inay wali furan yihiin diblomaasiyadda.

Xukuumadda Washington ayaa waxay shaaca ka dhigtey in dhaqdhaqaaqyada Ruushka ee Donbas ay muujinayaan bilowga "duulaanka" Ukraine, balse waa sheegasho ay beenisay xukuumada Moscow.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hal Sano Kadib Isku-daygii dilka Trump, Eedeysane Labaad oo Maxkamad Tagaya

Toddobaadkii hore, Routh ayaa maxkamad federaal ah ka hor sheegay inuu doonayo inuu iska eryo qareenadiisa uu dowladda ka helay.

  • Caalamka

    14-07-2025

  • 12:33PM

Trump Oo Ku Dhawaaqay Canshuuro Cusub Oo 30% Ah Ka Dhan Ah Midowga Yurub Iyo Mexico

Warqadda uu u diray Midowga Yurub ayuu Trump ku sheegay in khasaaraha ganacsi ee Maraykanka.

  • Caalamka

    12-07-2025

  • 01:30PM