Weerar lagu qaaday garoon diyaaradeed ku yaalla Sacuudiga

Image

ABHA — 12 qof ayaa lagu dhaawacay firirka diyaarad Drone ah oo lagu weeraray garoonka diyaardaha Abha ee dalka Sacuudiga, taasi oo Sacuudiga ay sheegeen inuu dhexda ka qabtay barnaamijkooda difaaca hawada.

Howlgalkii diyaaradaha ee garoonka ayaa caadi kusoo laabtay kadb markii muddo kooban la hakiyey, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay isbaheysiga Sacuudiga ee dagaalka ka wada Yemen.

Dadka ku dhaawacmay weerarka ayaa isugu jira shaqaalaha garoonka iyo dad safar ahaa oo kasoo kala jeeda dhowr dal, ayuu intaas ku daray bayaanka oo ay baahisay warbaahinta Sacuudiga.

Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen ayaa inta badan beegsata garoonka Abha oo ku yaalla koonfurta Sacuudiga, meel ku dhow xuduudda Yemen iyo qeybo kale oo ka mid ah Sacuudiga, ayada oo adeegsaneysa gantaallo iyo diyaarado drone ah.

Inta badan gantaalladaas ayaa dhexda laga qabtaa, balse qaar ka mid ah ayaa dilay dhowr qof kuwa kalena dhaawacay.

Xulufada Sacuudiga ayaa si joogto ah duqeymyo uga fuliya Yemen, halkaasi oo ay sheegaan inay beegsadaan bartilmaameedyada Xuutiyiinta.

Imaaraadka Carabta oo xubin ka ah Isbaheysiga, ayaa laba goor sheegtay bishii Janaayo inay burburisay gantaallo ballistic ah oo ay Xuutiyiinta kusoo weerareen.

Hase yeeshee weerar dhacay horraantii Janaayo oo loo adeegsaday diyaarad Drone ah ayaa saddex qof ku dilay magaalada Abu Dhabi, ayada oo lix kalena ay ku dhaawacmeen, weerarkaas oo ay sheegteen Xuutiyiinta.

Reuters

Related Articles

Iran oo Maraykanka ku Eedeysay Fashilka Wadahadalladii Pakistan

Dhinaca kale, wakaaladda wararka ee Fars ayaa sheegtay in Iiraan ay farriimo qoraal ah u dirtay Maraykanka iyada oo sii marsiisay Pakistan.

  • Caalamka

    27-04-2026

  • 12:54PM

Lavrov: Mareykanka wuxuu u weeraray Iran iyo Venezuela si uu u xukumo tamarta adduunka

Wasiirka ayaa intaas ku daray in tallaabooyinka Mareykanka ee dalalka Iiraan iyo Venezuela ay si cad ugu xiran yihiin danaha tamarta.

  • Caalamka

    27-04-2026

  • 08:10AM